Boorama-(Lug)-Maxkamadaha magaalada Boorama ayaa mar kale waxa hadheeyey muran ka dhashay caruur ay sheeganayaan waalidiinta qoys ama qoysas, mid kastaana doonayo in loo soo wareejiyo carruurtaasi .
Saddexdii bilood ee dambaysay ayaa sida la sheegay dhawr qof oo isugu jira waalidiin aabbo iyo hooyooyinba lihi Maxkamadda degmada iyo tan gobolkaba lagu arkayey iyagoo maxkamadaha ka codsanaya in la kala saaro qoysaskaasi, caruurtaasina u raaci lahayd mid ka mid ah waalidiintaasi, hase yeeshee ilaa imika murankaasi loo maaro laa’yahay aakhirataana laba maalmood ka hor maxkamadahaasi kiiskaasi ama murankaasi iskaga wareejiyeen guddi culimaa’uddiin ah oo la filayo inay go’aan kama dambays ah ka gaadhaan ,
Sannadkii hore ayaa la ogaa muran caynkan oo kala ah oo ay iskaga hor iman gaadheen laba beelood oo reer Boorama kaddib markii ay ku murmeen qoys ka koobnaa sagaal wiil iyo aabahood , aakhirataankiina loo saaray guddi culimaa’uddiin ah oo soo afjaray murankaasi, qoyskaasina uu raacay beel ka mid ah beelaha reer Boorama .
Waxa iyaguna jira kiisas ama tuhunno noocan oo kala ah oo aan weli shaac laga qaadin, lana hor keenin maxkamadaha iyo culimaa’uddiinka, kaasoo sida la sheegeyo u dhexeeya laba qoys oo mid kastaaba sheeganayo wiil dhawr iyo toban jir ah .
Muranada noocan oo kala ah ayaan hore looga aqoonin gobolka Awdal balse aad moodayso inuu dhawaanahan kusoo badanayo bulshada dhexdeeda, iyadoo inta badan la ogaa uun dhisme ama jagooyin lagu muransan yahay oo la iskaga hor yimaaddo.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.Ibraahim-(Hyena)
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Boorama: Caruurta Lagu Muransan Yahay Oo Hadheeyey Hawlaha Maxkamadaha "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback