Jidka Stelvio Pass, Ee Dalka Italy
Jidkan oo ku yaala dhulka miyiga ah ee bariga buuraha Alps ee dalka Talyaanigu waa jid si cajiib ah loo dhisay, Jidku waa qaabka ZIG-ZAG-ga loo yaqanaan wwaxana uu jooga bada ka sareeyaa 1.7mile, Jidkan waxa ay Engeneeradii sameeyay ugu talo galeen oo uu leeyay 48 xaglood oo ah goobaha ay wadooyinku ka leexleexdaan. Jidkan waa meel aad u qurxoon marka muuqaalka guud la arkayo, balse maridiisu ma sahlana oo way cabsi badan tahay.

__________________________________________________________________

Jidka Buuraha Atlas Ee Dalka Morocco
Jidkan oo loo yaqaan Dades Gorge kuna yaala wadanka Morocco waa mid aad u quruxbadan guud ahaan, laakiin sidaas ma aha marka aad marayso waa jid aad u cabsi badan oo adiga oo moodaya inaad dhamaysay hadana aad is arkayso adiga oo wali ay wax badani kuu dhiman yihiin.

________________________________________________________________________
Jidka Col de Turini, Ee Dalka France
Jidkani laamiga ahi waa mid caan ah oo si wayn loogu xasuusto in 20mile oo ka mid ah lagu qabto tartanka wayn ee caanka ah ee dhinaca baabuurta ee loo yaqaan Monte Carlo, waxana ay taariikhdu qortay in 34 tartamayaal ahi ay ku dhinteen intii ay jidkan aadka u qalqaloocan baabuurta ku wadeen iyaga oo ku socday xawaare ka badan 100mile saacadiiba.

_________________________________________________________________________

Jidka Trollstigen Ee Dalka Norway
Trollstigen marka la tujumo waxa ay la micno tahay biinka Madow ee ay dumarku timaha ku xirtaan, waana magaca jidkan oo biinkaas meelo badan ka shabaha, waa wax Qatar badan oo aan macquul ahayn inay laba baabuur si sahala isugu dhaafto taxadar la’aan jidkan dhexdiisa, hadii ay taasi dhacdo waxa sahlan in baabuurkaagu uu ka shalwado buurta, iyada oo ay saas tahay hadana dalxiisa yaashu aad ayay u jecel yihiin marida jidkan waxana soo jiitay biyo shubka 1000ft ka hooseeya ee dacalka ku haya buurta jidkan laga sameeyay.
_____________________________________________________________________
Jidka Grimsel Ee Dalka Switzerland
Hal Mile in ka badan ayay ka saraysaa jooga badda wadadani, foorarka daadaga ah ee jidkanai waxa uu ku gaynaa buuraha Swissm iyo ints u dhaxaysa wabiga Rhone iyo dooxadala yidhaa Haslital. Gaadiidka maraya waxa loo sheegaa inay laydhka shitaan isla markaana ogsoonaadaan inuu jidku yahay mid daadag ah oo hoos u foorara.
___________________________________________________________________________

Jidka Dhuunta Daloosha ah Ee Guoliang Ee Dalka China
HAA, waa god dhuun la kala jeexay ah oo hadana wado ahkuna dhex jirta Buur wayn, dhererkiisu waa 200m waxa uu balaca jidkaasi yahay 4m, korna waxa buurta loo dalooliyay 5m. Waa jid aan u dulqaadan in wadayaasha Baabuurtu ay galaan khalad yar!
________________________________________________________________________
Jidka Los Caracoles Pass, Andes waxa uu u dhexeeyaa dadalka Chile iyo Argentina
Jidkan Laamiga ahi waa mid caan caan ah, jidkani waa meesha kaliya ee isku xidha buuralayda Andreas ee u dhaxaysa dalalka Chile iyo Argentina. Jidku waxa uu u qal-qaloocaa sida Maska oo kale, waxa uu u badan yahay daad-dag iyo dalcado, Lama marikaro jidkan tilmaame la’aan, runtiina waa meel aad u adag, dadka labadan dal isaga gudbaa waxa ay ku kaftamaan, Los Caracoles Pass, Andes maridiisa waxa ka fudud iibso tigidh diyaaradeed dabadeedna ukala gudub Chile iyo Argentina.
_______________________________________________________________________

Jidka North Yungas, Ee Dalka Bolivia
Jidkan ku yaala dalka Bolivia waxa kale oo loogu yeedhaa “Jidkii Dhimashada”, waa jid hal xariiq oo kaliya ah oo ay adagtahay inay baabuurtu isku dhaafto waxana laga sameeyay buur aad u dheer sinteeda,gabi ahaantiiba jidkani waa mid daadag hoose ah mana laha waxa hagayaal ah, mararka qaar ceeryaan badan ayaa jirta oo kala qarisa baabuurta, waxa kale oo ay ceeryaantaasi ka dhigtaa wada carotuulka ah mid dhiiqo ah oo ay gududahay in laga dhaco.
__________________________________________________________________________
Jidka Taroko Gorge Ee Dalka Taiwan (Chungheng)
Waa Dhuun la kala jeexay oo jid muhiim ah laga dhigay, jidkani ma laha wax koronto ah, marka ay gaadiidku ka baxayaan aad ayaa loo cabsadaa waayo wuu naxdin badan yahay waxana ku badan kor u socodka.Jidkan aad ayay u jecel yihiin dalxiiseyaashu sababtoo ah waxa uu dhex maraa seerayaal ugaadh ah oo aad u qurux badan.
Diyaariye:-
Cabdale Cali Yusuf












Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Murtida Maanta: Reer Awdal Iyo Salal Maxay Ka Baran Karaan Jidadka Caalamka Ugu Khatarta Badan Ee Hadana La Maro "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback