Faallo-(Lug)-Dadweynaha Somaliland ayaad u qaadan kartaa inay yihiin dad waddaniyiin oo ka fikira mustaqbalka dadkooda iyo dalkooda, hase yeeshee marmarka qaarkood ayaad is odhanaysaa dadkani malaha maaha kuwaad ogeyd, sababtoo ah isbeddelka siyaasadeed iyo jawiga abuurmay dhismaha dawladda cusub ee Somaliland kaddib.
Markaad u dhabbogasho taariikhda xisbiga Kulmiye keentay kursiga dalkan ugu sarreeya, isla markaana aad eegto fikirka qaybo ka mid ah qaybaha dadweynaha dalku durba ku dhaliilayaan xukuumadda cusub sideedda bilood jirtay ayaad dhinaca kale is odhanaysaa shacbigani ma doonayaan in hore loo socdo, balse ay doonayaan wax kale oo laga yaabo inay ku jiraan maankooda.
Sida la ogyahay toban sano ku dhawaad xisbiga Kulmiye iyo hoggaankiisa siyaasadeedba xukuumaddii hore kala kulmeen wax kasta cadaadis, cabaudhin, xadhig, toogashooyin iyo shirqoollo kaga imanayey baarlamaanka haatan, golaha guurtida iyo kii wasiirada ee horeba , waxay badi dadweynaha Somaliland badi xisbigaasi tusayeen taageero iyo difaaca jiritaankiisa, iyagoo dfhinaca mudaaharaadyo dad badani ku dhinteen u sameeyey daraadii.
Tan iyo markii xisbiga Kulmiye kusoo baxay doorashooyinkii dalka ka dhacay badhtamihii sannadkii hore , isla markaana la dhisay xukuumadda cusub iyo laamaheeda kala duwan ayaa waxa soo baxaya arrimo badan oo geeddi socodka dawladda cusub ku kellifaya inay gudan weydo barnaamijyadiisii doorashooyinka uu ku galay.
Waxa durba soo baxaya dhawaaqyo ka daayrinaya rajada laga qabo in la gaadho horumar, iyadoo dhinaca kalena duruufo xagga eebbe ka yimid lagu xidhiidhinayo xukuumadda .
Dhawaaqyadan oo kasoo baxaya qaybo ka mid ah dadweynaha, una badan caasimadda, Dhawaaqyada soo baxaya oo aad mooddo inay isku bahaysteen qaar ka mid ah saaxiibadii iyo taageerayaashii xisbiga doorashada ka hor, taageerayaashii xisbiyada mucaaradka eegga, kuwa sita magacyo beeleed, kuwa gobol iyo kuwa kale oo qarsoon ayaad mooddaa inay saadaalinayaan belaayo aan jirin, isla markaana walaac ku saabsan mustaqbalka dawladda cusub ku abuuraya dadweynaha, saaxibadii Kulmiye ee doorashada horteed, xilalna ka waayey xukuumadda cusub ayaa dhinaca kale u muuqda kuwa haatan u ololaynaya furashada ururro siyaasadeed oo dalkan khalkhal gelin kara, halka kuwa kale halqabsi ka dhiganayaan maceeshadda iyo nolosha cirka isku shareertay, kuwaasoo dhinaca kale iska indho tiraya dhaqanadii xumaa ee lagu bartay xukuumaddii hore, sida xaraashka dhulka danta guud, xadhigga sharcidarada ahaa, guddiyada nabadgelyada ee la baabiiyey, hirgelinta mashaariicdii horeba loogu taagwaayey xukuumaddii hore inay fuliso, bixinta deyn badan oo ka mid ah xoolihii la dhacay, iyadoo dhinaca kalena xukuumaddan cusubi ka gaabsatay inay tallaabo ka qaaddo cid kastoo dembi ka gashay umaddan dawladdii hore. isla markaana ka warwareegtay la xisaabtankii raggii geystay musuqii ugu badnaa iyo dulmigii ugu badnaa kuwaasoo loo baahnaa in sharciga la hor keeno.
Inkastoo ay jiraan meelo iyo goobo ka mid ah goobihii lagu dhibay dadweynaha dalka, sida maxkamadaha iyo caddaalad xumada weli ragii dhego la’aanta iyo indho la’aanta dadka ku xukumayey sii fadhiyaan hay’adihii sharcifulintu calaamad ku yihiin xukuumadda loona baahnaa in waa hore laga takhaluso, waxaase waxaasoo dhan kasoo hor maray hawlo si lama filaan ah xukuumadda ugu horjooga inay dalka ka sifayso nidaamkii mausuqmaasuqa ahaa ee dalka lagu xukumi jiray. dadweynaha Somaliland ayaa loo baahnaa inay is barbardhigaan waxqabadka xukuumadda cusub iyo wixii dalkan hore uga jiray, hase yeeshee dhaliilaha iyo cambaareynta socotaa maaha mid loo baahnaa wakhtigan , waxayna macnahoodu noqon karaa in la niyad jebiyo dawladda, meella loo dhaqaaqi waayo.
Marka la eego taageeradii shacbigu siiyeen xisbiga iyo sida maanta qaybo ka mid ah uga guuxayaan ayaad la is odhan karaa in taageeradii waagaasi aanay ka ahayn daacad, balse ay ka ahayd uun istusnimo. codkii ay siiyeenna ahaa uun mid shakhsi kastaaba ku doonayey in codkiisaasi wax u gooyo shakhsi ahaan, balse aanu doonayn dan guud taasina waxa muujinaya dacaayadaha iyo beenta ku salaysan gobolaysiga ee maalin kasta loo jeedinayo, isla markaana aanay xukuumadda cusubi ugu dhiidhiyeyn sidii ay xukuumaddii hore uga dhiidhiyi jirtay wax kastoo dacaayad ku ah .
Si kastaba ha ahaatee dawladda cusub ee Somaliland ayaa looga fadhiyaa inay kala barato dawladnimada iyo adkaynta sharciga iyo kala dambaynta, meeshana ka saarto jilayca maamul iyo sasabaha ay kula dhaqmayso cid kastoo ka hor timaadda jidka dalkan ka badbaadin karaya inay waxyeelo soo gaadho amnigiisa, siyaasaddiisa iyo maamulkiisaba .
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.Ibraahim-(Hyena)
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Taageeradii Dadweynaha Somaliland Ku Doorteen Dawladda Cusubi, Ma Beenbay Ahayd, Mise Dhab? "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback