Hargeysa-(Lug)-Guddidii ka soo tallo-bixinta furashada ururada siyaasada, ayaa sheegay inay gudo galayaan daraasado iyo rayi ururin ay ka samaynayaan gobolada dalka, si ay u ogaadaan sida dadweynuhu u arkaan furashada ururada siyaasada.

Sidaasi waxay ku sheegeen shir jaraa’id oo uu shalay  ku qabtay xarunta Akaadamiga Nabada iyo horumarinta  Guddoomiyaha  Guddida  ka tallo-bixinta ururada siyaasadda  Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koorre.

“Sida aad ogtihiin waxa madaxweynaha Somaliland magacaabay guddi heer qaranna oo ka kooban dhammaan Bulshada Rayidka ah ee Somaliland, hadday noqoto Golayaal, hadday noqoto xukuumadda, hadday noqoto Salaadiin, hadday noqoto culimo, hadday noqoto Jaamacadihii, hadday noqoto xisbiyadii iyo hadday noqoto ururadii Bulshada, waxa ka wada muuqata dhamaan Bulshada Somaliland dhammaan qaybaheeda kala duwan, sidaa daraadeed waxaan   halkan iskugu kiin yeedho, iyadoo Guddidii iyo Komishanariskii  wada hor joogaan, waxa aad u badatay wakhtiyadii dambe hawshii naloo xil saaray inay dhinac socoto arrimo Warbaahintu ku samaynayso oo ay ka mid tahay, guddidan waxa loo Xilsaaray inay soo ururiyaan sida iyo qaabka ugu haboon ee Fikirka ummada reer Somaliland loogu cabiri lahaa dib u eegista furashada ururada Siyaasada,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Gudida qaran ee ka soo tallo bixinta Ururada siyaasadda.

Guddoomiyuhu isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu intaasi ku daray  “Sida uu madaxweynuhu ku qoray Digreetadiisa Lr- keedu yahay 399/03/2011 oo ah Digreeto madaxweyne, sidaa daraadeed waxaanu Warbaahinta anagoo Ixtiraam idiin hayna iyo Milgo Sharaf leh oo aad tihiin dadkii ka soo qayb qaatay horumarka Bulshada Somaliland, waxaanu is leenahay Waxooga waxay ku tahay anagoo wax rabna in aanu ururino oo si rasmiya ah u rabna in aanu u keeno Fikirkii Ummadu qabtay, inay na dhinac socoto qayb ka mid ah Warbaahintii inay intaa dadka wax weydiinayso, hadday tahay Siyaasiyiinta waaweyn iyo hadday tahay Bulshada kale, markaa waxaanu Warbaahinta si Ixtiraam, Sharaf iyo Milgo ku dheehan tahay uga codsanaynaa inay noo yara hakiyaan inta aanu ku gudo jirno hawshan oo Wakhti gaabana, anagaa markaa u soo gubin doona Fikirkii Ummada.”

Guddoomiyuhy wuxuu sheegay inay u mahad celinayaan Komishanka doorashooyinka qaranka oo uu tilmaamay inay  kala shaqeeyeen guddida arrintan oo wixii ay uga baahnaayeen  u fuliyeen.

Somaliland.Org