Boorama-(Lug)-Dood-saxaafadeed uu soo qabanqaabiyay xafiiska u qaybsan arimaha Jinsiga hayada World Vision ayaa manta lagu qabtay magaalada Dilla, dood-saxaafadeedkan ayaa waxa ka soo qayb galay maayarka maagalada Dilla, Madaxd hayada World vision ee xafiiskan, culamaa’udiin haween, waxgarad iyo dhalinyaro kale oo ay tiradoodu ahayd 35 xubnood.

jawhara.jpg

Ugu horayntii ayaa madashan waxa ka hadashay Jooharaat Maxamed Tubeec oo ah sarkaalada madaxda ka ah xafiiska arimaha Jinsiga(Gender Based Violance) ee hayada World Vision. Waxana ay ugu horayntii tilmaantay inuu barnaamijkani yahay mid qiime wayn ugu fadhiyay bulshada reer Dilaad. Mis. Jooharaat oo arimahaasi ka hadlaysa ayaa waxa ay tidhi “Waa ii farxad inaan manta kulano bulshada reer Dilaad anaga oo ka wada hadlayna sidii bulshada loogu wacyigalin lahaa yaraynta tacadiyada Jinsiga la halmaala ee ka dhaca bulshadeena dhexdeeda, waxa an wada joogi doonaa saacado kooban waxana aan mudadaasi isla falanqayn doonaa waxyaabaha keena tacadiyadan, sidii loo yarayn lahaa, waxyaabaha ay diinta islaamku ka aaminsan tahay iyo waliba in bulshada laga wacyi galiyo sidii loo badbaadinlahaa dumarka iyo dadka tabarta yar oo ah kuwa inta badan loogaysto tacadiyadan.

1.jpg

Mis. Joohara waxa ay ka warantay in hayada world vision ay ka hawlgasho meelo badan isla markaana uu barnaamijkani yahay mid ka mid ah barnaamijyada ugu muhiimsan ee hayda, waxana ay kula dardaarantay dadka reer Dilaad inay si qoto dheer u falanqeeyaan meelaha ay ka imanayaan tacadiyadaasi si ayay tidhi bulshada looga badbaadiyo waxyeeladooda.

2.jpg

Madashan ayaa waxa kale oo ka hadlay Maayarka magaalada Dila Mud. Ibraahim Cabdi Xaaji waxana uu xusay in barnaamijkani waxwayn ka tari doono sidii loo yarayn lahaa tacadiyada jinsiga ee ka dhaca degaanka deg. Dila, waxana uu kula dardaarmay ka qayb galayaasha in siwayn looga faa’iidaysto. Maayarku waxa uu u mahadnaqay hayada World Vision oo barnaamijkan soo qabaqaabisay.

3.jpg

Waxa kale oo madashan ka hadlay Sh. Cilmi Naxwe waxana uu tilmaamay in diinta islaamku ay sugtay xuquuqda qofka muslinka ah, waxana uu tilmaamay in hadii loo laabto diinta islaamka laga heli karo xal waara oo bulshada gaadhsiiyaya bashbash iyo wanaag badan.

4.jpg

Madashana yaa intii ay socotay waxa ay ka soo qayb galayaashu si kulul isugu waydaarsadeen dood aad u balaadhan oo ku saabsan sida dhaqanka iyo caadooyinka qadiimka ah, aqoon la’aanta bulshada iyo heerka nolosha bulshada oo hooseeya uu u dhiiri galiyo soonoqnoqashada tacadiyadan.

5.jpg

Waxa kale oo ay kasoo qaybgalayaashu ugu dambayntii madashan ka soo saareen baaq ku wajahan sidii loo yarayn lahaa tacadiyada jinsiga oo ku socda xilsidayaasha bulshada, oo ay ugu baaqeen inay hiil iyo hooba ku bisiyaan sidii bulshada loo badbaadin lahaa iyada oo la iskaashanayo.

6.jpg
7.jpg

 

Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama