Boorama-(Lug)-Munaasabada lagu xusay maalinta TB-da Aduunka oo ku beegan 24ka bisha March ee sanadkasta ayaa lagu qabtay xarunta cisbitaalka TB-da Anallina ee Magaalada Boorama.
Munaasabadan ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiinta caafimaadka gobolka Awdal, masuuliyiinta cisbitaalka TB-da, masuuliyiin, fanaaniin, bukaan socod iyo dadwayne kale oo aad u badan.
Muanaasabadan ayaa waxa ugu horayntii ka hadlay Dr. Cabdisalaan Jaamac(Gahayr) waxana uu ka sheekeeyay taariikhdii uu soo maray cisbitaalkani waxa kale oo uu sheegay in ay dadka ee Boorama siw ayn u soo dhaweyeen ugu horayntii Haweenaydii Talyaaniga ahayd ee Anallina Toneli oo iyadu aasaastay looguna magacdaray cisbitaalkani.
Dr. Gahayr waxa uu xusay in cibtitaalkani uu shaqo wayn u hayo dadka ku nool guud ahaan gayiga geeska Afrika, waxana uu xusay in ay jireen waayo dadku ay siwayn u takoori jireen dadka qaba xanuunka TB-da balse manta ay arintaasi soo yaraanayso, Dr. Gahayr waxa kale oo uu xusay in maalmahan dambe uu cisbitaalkani dawooyin muhiim ah siiyo dadka kale ee la nool HIV/AIDS, kuwaasi oo uu sheegay in looga baahan yahay bulshada in ay u naxariistaan soona dhaweeyay si ayuu yidhi loo yareeyo fiditaanka xanuunkaasi halista ah.
Oday Ibraahim Magan oo isaguna ka hadlay madashan ayaa xusay in maalintani micnaheedu uu yahay in dib la isku waydiiyo fiditaanka cuduka TB-da oo qaarada Africa aad ugu badan, mar uu ka hadlayay isaguna sidii uu ku aasasmay cisbitaalkani ayaa waxa uu tilmaamay in waayahaas 90aadkii ay dhib badan kala kulmeen iyado oo ay jirtay in wacyiga bulshada oo aad u yari uu sababay in xanuunkan TB-da jiritaankiisa la iska indho tiro markii dambana ay Haweenaydii ay soo dhaweeyeen.
Isuduwaha Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Awdal Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Hadi oo isaguna ka hadlay madashan ayaa tilmaamay in maalintani ay ahmiyad gaar ah u leedahay caalamka iyo dadka reer Somaliland, waxa uu Dr.-ku carabka ku dhuftay in uu cisbitaalkani u baahan yahay in gacan laga gaysto sidii uu u sii jiri lahaa.
Munaasabadan ayaa waxa lagu soo bandhigay ruwaayad ka turjumaysa ahmiyada ay leedahay in dadka laga daweeyo cudurkan TB-da oo la dawayn karayo.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Maalinta TB-da Adduunka Oo Boorama Laga Xusay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback