Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland md. Axmed Max’ed Max’ud ( Siilaanyo ) ayaa qasriga madaxtooyada kulan kula yeshay wafti uu hogaaminayo ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Amp. Aogustine Mahiga.
Kulankan balaadhan ee uu madaxweynaha JSL la yeeshay ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan S/land iyo Somalia oo maalintii shalay booqasho shaqo ku yimid dalka waxay ka wada hadleen xidhiidhka wadashaqayneed iyo xoojinta iskaashiga u dhaxeeya jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa iyo Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynaha JSL md. Axmed Max’ed Max’ud ayaa uga waramay xaaladda guud ee dalka sida siyaasadda, nabadgalyada, hanaqaadka dimuqraadiyadda iyo maamul wanaaga.
Madaxweynahu waxa uu si gaar ah uga hadlay xaaladda abaareed iyo biyo la’aanta baahsan ee ka jirta meelo badan oo ka tirsan dhulka s/land iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in la xoojiyo doorka ay ka qaataan hayadaha qaramada midoobay taakulada iyo samato bixinta dadka ay abaaruhu saameeyeen.
Waxanu Madaxweynuhu ka dalbaday in ay gargaar caalami oo degdeg ah lasoo gaadhaan dadka ku tabaaloobay abaaraha.
Amp. Aogustine Mahiga ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia ayaa tilmaamay taageerada UN-tu ay u hayso horumarka s/land ee dhinacyada dimuqraadiyadda, nabadgalyada iyo maamul wanaaga.
Amp. Mahiga waxa uu sheegay in hayadaha qaramada midoobay ay u hawl gali doonaan wax ka qabashada xaaladaha bini-aadannimo ee ay sobobeen abaaraha soo noqnoqday ee ka jira guud ahaan mandaqadda geeska Africa gaar ahaana Somaliland.
Waxa uu xusay sida ay lama huraanka u tahay in layska kaashado nabadeynta iyo xakamaynta kooxaha xagjirka ah ee khatarta ku ah dhismaha nabadda iyo xasiloonida mandaqadda geeska Africa.
Dhinaca xukuumadda waxa kulankaasi ku wehelinayay madaxweynaha JSL M/weyne ku xigeenka Somaliland, wasiirada wasaaradaha Armaha dibedda, Arimaha gudaha, Qorshaynta qaranka iyo horumarinta, Cheif of capinet-ka iyo la taliyaha m/weynaha ee dhinaca aqoonsi raadinta.


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " M/Wayne Siilaanyo Oo Madaxtooyada Kulan Kula Yeshay Wafti Uu Hogaaminayo Ergeyga Qaramada Midoobay U Qaabilsan S/land Iyo Somalia Amp. Aogustine Mahiga "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback