Ottawa-(Lug)-Iyadoo ay waxyar ka dib la doonayo in lagu dhaqaaqo dhismaha dekeda cusub ee ladhisayo dekada Lughaya ayaa waxa isa sootaraya ololaha iyo wacyi galinta loo jedinayo dhamaanba dadka qurba joogta ah ee kasoo jeeda gobolada Awdal, Salal iyo Gabiley si ay usii loo laba jibbaaraan dadaalada lacag ururinta ah lagu dhisayo dekeda cusub ee lag dhisayo degmada Lughaya
Ururka ARDAA oo isagu hormuud ka ah arrintaas ayaa aalaaba ku qabta magaalada Ottawa shirar iyo fadhiyo la doonayo in lagu dardargaliyo dhismaha dekeda Lughaya waxaana toddobaadkiiba mar iyo labajeer lagu kulmaa meelo cayiman oo loogu talo galay si loo dhagaysto talooyinka, fikradaha iyo warbixin kusaabsan inta soo xerotay iyo qaabka iyo habka loo dhammaystirayo ururinta lacagaha qaadhaanka ah ee hadhsan.
Shirkii ugu dambeeyay ee lagu qabtay magaalada Ottawa oo ay kasoo qayb galeen xubno badan oo katirsan gobolada Awdal, Salal iyo Gabilay ayaa lagu soo qaaday halka ay marayaan arrimihii ugu dambeeyay ee kusoo kordhay lacag ururintii dekeda Lughaya waxaana halkaa lagu dhagaystay warbixino ay soo diyaariyeen qaar kamid ah xubnihii ku kulmay shirkaas dood dheer kadib waxa ay halkaa ku lafo gureen sida ugu dhakhso badan ee loo hirgalin karo dhismaha dekeda.
Shirka oo halku dheg looga dhigay “dhismaha dekeda lughaya waa mid muhiim ah” ayaa lagu soo gunaanaday in lasameeyo gudiyo gaar ah oo ka shaqeeya amma sidii jaaliyadaha kunool dalalka debeda ay isaga kaashan lahaayeen dhismaha dekeda cusub waxa kaloo intaa la kordho iyadoo si gaar ah loo magacaabay jaaliyadaha reer Awdal, Salal iyo Gabilay ee kunool wadamada Kanada, Maraykanka iyo Ingiriiska sidii ay hal meel ah uga soo wada jeesan lahaayeen iskuna taageersan lahaayeen arrinkastoo u dan ah dadwaynaha goboladaasi.
Dhalinyaro iyagu is xilsaaray ayaa aad uga dhexmuuqday shirkaas kuwaasoo kufaraxsan in mustaqbalka ay helidoonaan deked ay iyagu leeyihiin taasoo ay kala soo degi doonaan dhamaan wixii mahuraan ah ee loo baahan yahay waxayna tilmaameen inay noqon dooonto deked madax bannaan oo baayac mushtariga gobolada wax wayn katari doonta haddii eebe yiraahdo.
Wariye:-
Cilmi Yuusuf Cadaawe
Lughayanews-Ottawa


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Ololaha Qaadhaan Ururinta Dhismaha Dekada Lughaya Oo Meeshii Ugu Fiicnayd Maraya "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback