Faallo-(Lug)-Waxa indhawaaleba isasoo taraya habdhaqanka masuuliyiinta dawladda cusub qaarkood u adeegsanayaan gaadiidka dawladda ee loo siiyey inay ugu adeegaan danta guud iyo tan qarankaba, balse dhinaca kale la sheegeyo in masuuliyiintaasi gaadiidka dawladda iyo shidaalkoodaba u isticmaalaan dano gaar ah , isla markaana gaadiidkaasi u adeegsaada sidii waxa iyagu leeyihiin .
Marka laga reebo masuuliyiinta xukuuadda sare iyo xubnaha golaha wasiiradaba oo iyaga dhaqdhaqaaqooda dhinaca goboladu iskaba yaryahay, haddii ay tegaanna ugu baqoola arrimo xasaasi ah iyo kuwa siyaasadeedba, hase yeeshee waxay arrintani inta badan laga arkay masuuliyiinta hoose ee laamaha dawladda iyo hay’adaha madaxa bannaan ee dawladda kuwaasoo inta badana masuuliyiintoodu gaadiidkaasi u adeegsada waxyaalo ka baxsan shaqada qaraanka, isla markaana gaadiidkaasi iyo shidaalka dawladdu u qortayba ugu shaqeeya dano shakhsi ah .
Masuulyiinta la sheegeyo Inay gaadiikaasi si ka baxsan shaqada loo siiyey u isticmaalnaan ayaa badi ka mid ah masuulyiinta xukuumadda Axmed Siilaanyo u magacawday xilalka agaasimayaasha ama kuxigeenada kuwaasoo inta badan kasoo jeeda gobolada galbeedka iyo barigaba welina aan si rasmi ah usoo degin caasimadda Hargeysa, Waxa la sheegeyaa in khamiis kasta ama arbaca kasta aay caasimadda ka baxaan kontomeeyo gaadiidka dawladda ah, isla markaana wata lambarka GT-ga, kuwaasoo maalmaha jimcaha iyo maalamaha ku xigaba dib ugu laabta qoysaskoodii ama qaraabadoodii oo weli ku sugan degaanadii ay ka yimaaddeenn, caasimaddana aan soo degin .
Sida wararku sheegeyaan gaadiidkaasi oo isugu jira kuwa landcruiserda ama serfyada ayaa qaarkood labadaa maalmood gooyaan boqolaal kiiloomitir oo safar ah, kaddibna kusoo laabta Hargeysa iyagoon la ogeyn meesha lala tegey iyo hawsha lagusoo qabtay . Isticmaalka gaadiidka dawladda loo adeegado wax ka baxsan shaada qaranka ayaa dawladdii hore ee UDUB wax badan ka qabatay maalmihii ama bilihii ay sii dhacaysay , isla markaana gaadiidkaasi u samaysay saacado gaar ah iyo fasax gaar ah oo uu ku shaqayn karo inta kalena la dhigo xafiisyada dawladda .
Masuuliyiinta xukuumadda Axmed Siilaanyo oo laga yaabo qaarkood inay xiiso badan u qabeen gaadiidkan cadcad ee laga safay ayaa laga yaabaa in qaranka geliyaan kharash badan oo dib loogu hagaajiyo ama dib loogusoo iibiyo maadaama isticmaalkooda wax ka baxsan shaqada qaranku keeni karto inay soo gaabiyaan cimriga gaadiidkaasi laga soo iibiyey cashuurta muwaadinka .
Sida ay sheegeyaan wararkaasi qaarkoodna laba xaqiijiyeyba in gaadiid loo isticmaalo soo dhaweynta ama sagootinta qaraabadooda masuulyiintaasi ee daafaha dalka , aroosyada , siyaarooyinka iyadoo ay dhici karto in gaadiidkaasi loo adeegsan karo arrimo ka baxsan amniga haddii aanay hay’adaha ku shaqada lihi siinin fasaxa safarada shaqo sidaa darteedna waa xukuumadda cusub la gudboon inay gaadiidkaasi ku fara adaygto loona adeegsan arrimo ka baxsan shaqada hayadaha ay hoos yimaaddaan.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.Ibraahim-(Hyena)
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Maxaa Laga Ogyahay Sida Loo Adeegsado Gaadiidka Dawladda Ee Shaqada Qaranka Loo Siiyey Masuuliyiinta Xukuumadda Cusub? "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback