Boorama-(Lug)-Wasiirada Shaqada & Arimaha Bulshada S/L Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac ayaa maanta kormeer shaqo oo mudo kooban qaatay waxey ku timid magaalada Boorama. Wariirada ayaa waxa ku wehelinayay kormeerkeedan Lataliyaha Madaxwaynaha ee Armimaha Haweeka Marwo Amaal X. Axmed Miisaan, iyo Xil. Ikraan X. Daa’uud Warsame.
Wasiirada oo ay weheliyaan Badhsaabka gobolka iyo maayarka Boorama ayaa kulan balaadhan la qaatay isuduwayaasha laamaha dawlada ee gobolka Awdal.
Kulankan oo ka dhacay xarunta wasaarada caafimaadka ee gobolka ayaa waxa hadheeyay cabashooyin xasaasi ah oo salka ku hayay shaqa la’aanta iyo sidii dhismayaal loogu dhisi lahaa Wasaaradaha gobolka oo ay badan koodu yihiin kuwo ay ka hawl galaan shaqaalo aan hal-hal qof ka badnayn isla markaana aan lahayn xarumo lagu shaqeeyo. sidaana waxa sheegay badhasaabka gobolka Awdal mudane Maxamed Dahir Cabdale.
Isuduwayaasha wasaaradaha Caafmaadka, Waxbarashada, Awqaafta & Arimaha Diinta, Shaqada iyo Arimaha Bulshada ayaa iyaguna u sheegay wasirada inay uga fadhiyaan fulinta balamihii ay xukuumadu hore u qaaday ee dhinacyada shaqaalaysiinta, dhismayaasha iyo kordhinta gunada shaqaalaha, waxaan dhamaan hadaladoodu isugu soo ururayeen cabashooyin ka dhan ah wasiirada iyo wasaaradaha ay hoos tagaan oo ay si dadban u xuseen inay ku guul dharaysteen fulinta cabashooynkaasi.
Wasiirada Shaqada & Arimaha Bulshada S/L Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac oo madashan ka hadashay ayaa iyadu soo dhaweysay inay maqasho dhagaysiga cabashooyinka reer Boorama, waxaase ay tilmaantay inaanay shaqo abuurku ahayn wax sahlan, waxaanay xustay inay tahay arin u baahan in laga wada hawl galo.
Wasiradu mar ay ka hadlaysay sidii ay dhisme ugu heli lahayd wasaarada ay masuulka ka tahay xafiiskeeda Boorama waxa ay Masuuliyad aanay qaadi karin dusha ka saartay Maayarka Boorama iyo Badhasaabka Gobolka oo ay si cad ugu sheegtay inay u baahan tahay in loo helo dhul aanay sahlanayn helidiisu.
Wasiirada waxa kale oo ay kormeer shaqo ku soo martay xarumaha Jamacadaha Camuud iyo Eelo iyo waliba cusbtaalka Al- xayaat ee magaalada Boorama halkaasoo ay kula kulantay mas’uuliyiinta goobahaasi oo ugu warbixiyeen shaqadooda.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Wasiirada Shaqada & Arrimaha Bulshada S/land Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac Oo Maanta Kormeer Shaqo Ku Timid Boorama "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback