maayarka-boorama.jpgBoorama-(Lug)-Maayarka Boorama ayaa saaka ka badbaaday shil baabuur oo ka dhacay Gebiley iyo Arabsiyo dhexdooda, wararka ay Lughayanews ay helayso ayaa waxa ay sheegayayaan inuu Maayarku gacankiisa ku watay gaadhiga, waxana la saarnaa xaaskiisa oo qudha.

Shilkan ayaa wararku waxay ku darayaan inuu sabobay taayir u baxay gaadhiga, Mar ay Shabakada wararka ee Lughayanews la xidhiidhay Maayarka isaga oo ku sugan Hargeysa waxa uu ka gaabsaday inuu faahfaahin dheeraada ka bixiyo shilkani.

Dhamaan masuuliyiinta Gobolka Awdal ee heer degmo iyo Gobol ayaa maanta u wada amba baxay magaalada Hargeysa si ay uga qayb galaan siminaar ku saabsan tayaynta maamulka oo lagu qabanayay halkaasi.

Lughayanews Desk