Golaha Wasiirada ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa Fadhi aan caadi ahayn oo uu maanta Qasriga Madaxtooyada ku yeeshay ku ansixiyay dib u habayn hal mashruuc sharci laga dhigay xeerka isgaadhsiinta qaranka iyo lifaaqii uu Goluhu hore ugu gudbiyay Golaha Wakiilada.
Fadhigan oo uu guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” waxa uu Goluhu aqlabiyad ku ansiyay wax ka badalka qodobada kala ah:
Qod. 1aad ee bogga 5-aad xeerka isgaadhsiinta qaranka
Qod. 3aad ee bogga 12-aad xeerka isgaadhsiinta qaranka
Qod. 9aad ee bogga 21aad xeerka isgaadhsiinta qaranka
Qod. 71aad ee bogga 49aad xeerka isgaadhsiinta qaranka
Wax ka badalkan iyo dib u habaynta xeerka isgaadhsiinta qaranka ayaa timid ka dib markii uu golaha wakiiladu ku soo celiayay xukuumada kana dalbaday in la soo mideeyo xeerka isgaadhsiinta qaranka iyo lifaaq la socday lagana dhigo hal mashruuc sharci.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " M/wayne Siilaanyo Fadhi Aan Caadi Ahayn Maanta Ku Ansixiyay Dib U Habayn Hal Mashruuc Sharci Laga Dhigay Xeerka Isgaadhsiinta Qaranka "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback