Boorama-(Lug)-Somaliland waxay ka mid noqotay meelaha dadyowga geeska Afrika kaga soo firxadaan xasiloonidarada, shaqo la’aanta iyo baahida nololeed ee ka taagan degaanada  ay jaarka la tahay  taasina waxay keentay in maanta dadweynaha Somaliland lagaga badanayo dalka marka loo eego quruumaha ka kala yimid meelahaasi .

Marka laga yimaaddo dadweynaha kasoo firxaday dagaalada sokeeye ee ka dhacaya koonfurta soomaaliya, waxa Somaliland magaalooyinkooda iyoi miyigeedaba lagu arki karaa boqolaal qof oo ka tirsan qawmiyadda Oromada ee ka yimid dalka deriska ah ee Itoobiya, kuwaasoo ay ka muuqdaan duruufo nololeed oo foolxumo iyo naxdinba u keena  dadweynaha dalka .

Oromadan oo tobankii sannadood  ee u damnbeeyeyba Somaliland u imanayey arrimo kala duwan oo isugu jira dhinaca shaqada  iyo safarro ay kusii dhaafayaan dalka ayaa aakhirataankii kuwaasoo haatan  arrimo kale ka bilaabay dalka, sida dhoofinta  alaabooyinka badi dadweynaha reer Somaliland aanay u arkayn wax muhiim ah ooa y u arkaan wax qashin ah, waxay qaarkood  la sheegeyaa inay ku lug leeyihiin dhinaca tuugada, anshax xumada, nabadgelyada iyo tahriibtaba, ilaa maanta ma jiraan wax raad ah oo muujinaya in hayaanka qawmiyaddaasi  ka yaraato Somaliland, balse maalinba maalinta ka dambaysa sii badanaya.

Cid kastoo la socota xaaladda magaalooyinka waaweyn sida caasimadda Hargeysa, Boorama iyo meelo kaleba waxad arkaysaa carruur yaryar oo derbi jiif ah, kuwa tuugsanaya, kuwa baalashlayaal ah iyo kuwa adeegayaal ah, hase yeeshee inta badan lama arko waalidiinta ubadkaasi marka laga reebo hooyooyinka ay ka muudaan duruufo nololeed oo aad u foolxun .

Oromadan ayaa inta badan suuqyada magaalooyinkaasi ka dawarsada, waxayna inta badan ka nixiyaan dadka reer Somaliland ee debedaha uga yimid dalka, isla markaana u qaata in Oromadani tahay uun dadkii reer Somaliland  balse aan ogeyn inay yihiin qawmiyad kale oo siday ku socdaan aakhirataanka ka badnaan doona dadweynaha dalka. marka laga yimaaddo dawarsiga  foolxumada iyo naxdinta leh, waxa kale oo suuqyada ama derbiyada lagu arkayaa dad aad u liita oo qawmiyaddaasi oo caafimaad darro iyo nafaqo darro saamaysay ama jirto awood dawladda Somaliland ku taageeri karto umaddan kusoo qulqulaysa, sidaa darteedna loo baahnaa in dadkan laga saaro dalka, kuna laabteen meelihii ay ka yimaaddeen  haddiise ay sidan kusii socoto waxay Somaliland u ekaan doontaa qayb ka mid ah  degaanada Oromada ee dalka Itoobiya  oo kale .

Inkastoo aan dhawaanahan arkayey qaar ka mid ah ciidamada ammaanka oo jidadka galbeedka kasoao gala caasimadda  ka baadi gooba dhallinyarada qawmiyaddaasi oo isuku dayeysa inay dalka ka tahriibaan, hase yeeshee waxay dhallinyaradaasi ku socdaan talooyin gudaha dalka laga siiyo oo ay kaga fogaanayaan goobaha lagu joojin karo gaadiidka ay saran yihiin ama waxay ku talo gfalaan  kharash ay iskaga furfuri karaan ciidamada ammaanka ee  ay gacanta u galaan .

Dhallinyaradan ayaa sidoo kale lagu arki karaa jidadka waaweyn ee dalka iyagoo u kala lugeynaya degaanada galbeedka ilaa bariga iyo Puntland, waxayna inta badan gaadiidleyda weydiistaan inay usii qaadaan meelaha ay kusii socdaan, hase yeeshee gaadiidkaasi  inta badan ma qaadaan.

Dhinaca kale xubno ka tirsan qawmiyaddan  ayaa colaad ba’ani u dhaxaysa dalka deriska ah ee Itoobiya , isla markaana lagu xidhiidhin karaa jabhadda ONLF, kuwaasoo qaar ka mid sannadihii sagaashameeyadii ciidamada Itoobiya kaga aargoosteen ama ka kaxaaysteen gudaha  Somaliland una kaxaysteen dhinacooda kuwaasoo ama oromadaasi oo loo haystay inay yihiin kuwa cadow ku ah dalka Itoobiya oo ku dhuumanaya ama hawlo ka waday gudaha Somaliland, sidaa darteedna loo qaadan karay inay labada dalba cadow ku yihiin .

Inkastoo anay xukuumadda Somaliland weli gacanta ku dhigin oroomada ka tirsan ONLF, hase yeeshee waxa laga yaabaa inay mar uun fursad ka helaan labada dal isla markaana labada dalba ka fuliyaan falal argagixisanimo, Itoobiya iyo Somalilandna colaad dhex dhigaan, Sidoo kale ayaa la sheegeyaa in qaar ka mid ah qawmiyaddaasi ka ganacsadaan dhaqanada anshax xumada, diinteenna islaamka ahna meel ka dhac ku ah sidaa darteedna loo baahnaa in isha lagu hayo hawlaha hoose ee ay ka shaqaystaan, marka laga yimnaaddo dhulxaadhista  iyo shaqooyinka hoose ee ay kaga shaqaystaan dalka .

Si kastaba ha ahaatee waxa la gaadhay wakhtigii xuykuumadda Somaliland arrimaha qawmiyaddan xoogga saari lahayd , kana sifayn lahayd dalka haddii kale waxa dhici doonta maalin ayba ka xoog bataan dadweynaha dalka, lagana saari kari waayo.

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.Ibraahim-(Hyena)
Lughayanews-Boorama