siciid-sulub-maxamed.jpgHargeysa (Lug)- Wasiirkii hore ee hawlaha guud iyo guriyeynta Somaliland Md. Siciid Sulub Maxamed, ayaa ku dhawaaqay shalay inuu diyaar u yahay sidii uu isaga oo dhex sharrixi lahaa xisbiga mucaaridka ah ee UDUB, isaga oo xusay inuu soo dhawaynayo sidii xisbigu u noqon lahaa mid siyaasadiisu furfuran tahay.

Md. Siciid Sulub Maxamed oo ka mid ah wasiirradii ugu tunka weynaa xukuumaddii Rayaale oo shalay ka soo degay madaarka Hargeysa, kadib markii uu ka soo laabtay socdaal uu ugu maqnaa dalka dibadiisa oo taageerayaashiisa kula hadlay xarunta xisbiga UDUB, waxa uu sheegay inuu hadda kalsooni weyn ku qabo in sumcaddii UDUB soo laaban doonto maadaama ay yihiin xisbi mucaarid ah oo jecel ay maamul-toosin iyo dhaliilaha xukuumadda soo bandhigaan.

Mr. Sulub oo lagu eedayn jiray inuu ka mid ahaa siyaasiyiintii karkaarka weydaariyey madaxweynihii hore Md. Daahir Rayaale Kaahin, isla markaa ku jiray ragga loo aanaynayo inay hooyo iyo aabo u ahaayeen guuldarradii xisbiga UDUB ka raacday doorashadii madaxtooyadda ee 26 June 2010 ka dhacday Somaliland, waxa madaarka ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan xisbigiisa UDUB, mudanaayaal baarlamaan iyo dadweyne badan, kuwaas oo sitay asatamaha iyo calanka UDUB.

Dhinaca kale, Wasiirkii hore ee duulista hawada Md. Cali Maxamed Warancadde oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga UDUB, ayaa isaguna ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay sidii uu isugu soo sharrixi lahaa madaxtinimada Somaliland.

Jam