boorama.jpgBoorama-(Lug)- Qaybo ka mid ah dadwaynaha magaalada Boorama ayaa xalay saqdii dhexe ku ambabarey sawaxanka iyo dhawaqa caagadaha iyo foostooyinka biyaha lagu dhaansado 
kaddib markii sida la sheegay ay maqleen warar been ah oo ku saabsan in magaalada Boorama ay ka dhici doonto biyo la’aan ka dhalata ku dhawaad boqol booyadood oo  hawl biyo dhaamin ah ka wada bariga Somaliland.

Wararkan ayaa kusoo beegmay wakhti shirkadda biyaha siisa magaalada Boorama   ay ku dhaqaaqday tashiil dhinaca soo saarka biyaha  iyo daryeel dhinaca qalabka biyaha soo saara ah  oo maalmihii u dambaysay laga dareemayey magaalada, hase yeeshee an wax saamayn ah ku yeelan isticmaalka biyaha magaalada .

Wararkan oo aan la ogeyn cidda soo gelisay magaalada iyo meeha ay ka yimaaddeen ayaa  keenay in dad ku nool qaybo ka mid ah magaalada, gaar ahaan xaafadaha woqooyiga  rumaysteen biyo la’aan dhici doonta maalmaha ama wiigagga soo socda sidaa darteedna  u tooseen  ama u diyaar garoobay sidii ay u buuxsan  lahaayeen weel kasta iyo foosto kasta oo ay haysteen, balse aakhirataankii loo sheegay inay arrintaniu tahay uun dacaayad lagu khalkhalgelinayo dadweynaha, maadaama aanay suurtagal ahayn in booyad 30 foosto qaadi kartaayi boqollaal kiiloomitir usii socon karin, ama soo socon karin maadaama  ay jiraan meelo  biyo laga heli karo oo Boorama uga dhaw degaanada bariga dalka, sida Berbera ama Hargeysa .

Inkastoo aanay  shirkadda  biyuhu ka hadal ammuurtan ,  waxayse dad badan oo halkan joogaa u qaateen uun buuq laga abuurayo biyo la’aan aan jirin.

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.Ibraahim-(Hyena)
Lughayanews-Boorama