Hargeysa-(Lug)- Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa cod gacan taag ah ku meel mariyay xeerka soo daabicidda noodhka lacagta shanta kun iyo kunka shilin ee lacagta shilinka Somaliland.

Fadhigii Golaha Wakiilada oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/Raxmaan Cirro) waxa madasha fadhiyay 48 Mudane, waxa ogolaaday 47 Xildhibaan, cid diiday iyo cid ka aamustaytoona may jirin gudoomiyuhuna muu codayn.

 Waa markii u horraysay ee Golaha Wakiiladda Somaliland ansixiyaan xeerka soo daabicidda lacagta dalka.

Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay Golaha Wakiiladda uga waramayay  nidaamka shaqada Baanka iyo lacagta cusub ee la soo daabacayo.

 Lacagta Somaliland waxay ka koobnayd Konton shilin, Shan Boqol oo shilin iyo Boqol Shilin, Toban Shilin iyo Labaatan shilin.

Xidhiidhka  wada shaqayneed ee xukuumadda cusub ee iyo Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maraya heerkii u sareeyay.

Somaliland.org