Calanka Awdal State iyo midka Israel iyo arrimo kale……….

 (Lug)- Maalhamahan waxa meelo kala duwan laga maqlayay kacdoon lagu magacaabay Awdalstate oo ay dhallinyar la sheegay inay reer Awdal yihiini abaabulayso waxaana dabbaaldagyo kooban loogu qabtay meelo ka mid ah USA iyo Canada.

Waxase isasoo taraya wararka sheegaya inay dhallinyaradan cadaadis iyo dhibi ka haysato habkii ay ugu sharrixi lahaayeen fikirkooda dadka waawayn iyo waxgaradka isla Awdal ka soo jeeda maadaama ayna jirin habayaraatee ujeedo iyo istiraatiijiyad qoran oo u diyaarsan dhallinyartan qurba joogta ah ee kacsan.

Tusaale ahaan xafladdii ka dhacday gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka oo ay ka soo qaybgaleen ku dhawaad 200  oo qof oo u badan kuwo ka soo jeeda koonfurta Somaliya iyo gobolka Sool , ayaa lagu sharraxay calanka Soomaaliya  iyo nuqullo ka mid ah calan yar oo muuqaal ahaan u eg midka yahuudda ama Israel oo la yidhi waa calanka AwdalState, dadka ka hadlayna waxaad dareemaysay inayna habayaraatee siyaasad iyo qorshe diyaarsan toona wadanin.

Sidoo kale dhallinyartii kulannadani ka khudbaysay waxa ay ku guuldarraysteen inay dadka u sheegaan madaxda barnaamijkan wadi doonta haddii uu sii socdo, ujeedooyinka ka danbeeya asaaska Awdal State, ujeedooyinka ka danbeeya asaaska Awdal State, iyo waliba cidda  hindistay Calanka Awdal State oo la rumaysan yahay in kaliya isaga oo diyaarsan uun sawir -baadhaha Google laga helay oo aan habayaraatee la ogayn cidda samaysay.

dhaqaalaha lagu Qabanqaabiyo xafladahan loogu taageero raadinayo waxa lagu magcaabay Awdal State ayaa waxa muddo u qaaadhaan ururinayay sida ay warar sugani sheegeen dhallinyarta mashruucan ku hawllan oo u badan tagsiileyaal iyo garab rarato kale oo deggan dalalka galbeedka, iyo waliba dumarro aan wax badan ka ogayn xaaladda dhabta ah ee Somali Land gudaheeda ka taagan balse laga dhaadhiciyay in reer Isaaq la yidhaahdo oo dhulkoodii gumaysta lagula dagaallami doono.

Sidoo kale dadbadan ayaa aaminsan in hoggaamiyeyaasha u halgama gooni isku taagga SSC ay qayb libaax ka bixiyaan dhaqaalaha lagu meel marinayo kulannada Awdal State oo aan wali loo helin taageero dhalad ah oo badhi gantaasha, dadka arrimahan aaminsanina waxa ay cuskanayaan dabbaaldagyada SSC iyo Awdal State oo aad isugu dhaw muuuqaal ahaan iyo luqad ahaanba.

Hase ahaatee  dadwaynaha reer Awdal ayaa aad uga xun in  dhallinyartooda qurba joogta ah lagu awr kacsado oo ay madaxda SSC u adeegsato hab gaashaan buuraysi ah oo dad walaalo ah lagu kala dilayo.

Dhinac kale warar horleh aya sheegaya in dhallinyartii ololahan wadday uu khilaaf xooggani soo dhexgalay kadib markii ay xubno iyaga ka mid ah ku tuhmeen inay qaadhaannadii Awdal State lunsadeen oo ay danahooda gaarka ah u istcimaaleen.

Si kastaba ha ahaatee Waxgarad badan oo reer Awdal ah ayaa qaba inay dhallinyartani xaq u leeyihiin inay ka hadlaan qadiyadda gobolladooda, maadaama ayna dadkoodu saami hagaagsan iyo karaamo muuqata toona kulahayn maamullada kala duwan ee ay ka tirsanyihiin, haba ugu sii darnaado ismaamulka Somalida ee dalka Ethiopia,e.

Haseyeeshee qaar kale ayaa qaba in mashruucan Awdal State uu fikir ahaan wanaagsanaan lahaa marka laga eego qadiyad ahaan haddii ujeedo dheer loo yeelo oo si wayn loo lafo guro  laakiinse si qaldan loo isticmaalayo dano gaar ahna lagu fushanayo, waxayna u cuskanayaan sida la sheegay xubnaha kacdoonkan ka dhex muuqda oo sannadkii hore diiday ka qaybgalka shirwayne ay beelaha Samaroon lahaayeen oo ka dhacay isla Minosota lagagana hadlay aayaha beelaha Samaroon iyo horumarkooda, ugu danbayntiina lagaga dhawaaqay asaaska urur-waynaha TOL oo uu ansixiyay ugaaska beelaha Samaroon Ugaas Cabdirashiid Doodi.

 laakiinse xubnahan manta kacsani way diideen waxayna sheegen in shirka noocan ahi u muuqan karo mucaaradnimo sidaana uu madaxwayne Rayaale xilka Somali Land ku waayi karo, maadaama uu doorasho galayo shirkana uu Prof. Axmad Ismaaciil Samatar ka soo qaybgalayo. Waana arrinta maanta su`aalo badan dhalisay, is aaminid la`aantana dhex dhigtay dhallinayr badan oo meel uga soo wada jeesan lahaa aayaha deegaannadooda. waxa kale oo la ogyahay in Somali Land gudaheeda TOL looga aqoonsanyahay urur ilbaxnimo, horumar iyo waxqabad badan soo wada, laguna qadariyo beelaha Samaroon inay ururro ilbax ah oo danahooda ka shaqeeya samaystaan.

Dadka habka dhexdhexaadnimada ah uga arrimiya dhacdooyinkan oo kale ayaa  soo jeedinaya in ujeedooyinka iyo yoolalka Awdal State oo qoran loo gudbiyo odayaasha iyo hoggaanka dhaqanka beelaha Samaroon dadbadeedna lala tashado iyaga, iyo in ugu horraynba la baddelo calanka , maxaayeelay beelaha reer Sh. Samaroon ama Axmad Guray tolkiii marnaba ma guddoomi doonaan calan u eg kii Yahuudda ama Israel.

Isku soo wada duuboo dadka Siyaasadda rogroga ayaa waxa ay qabaan in beelaha Samaroon oo aqoon iyo xadaarad ku caanbaxay ayna habayaraatee dheg u dhigi doonin mashruuc siyaasadeed aan qorshe sugan lahayn iyo dhallinyaro tagsiilayaal ah oo ay dad kale ku shaqaysanayaan iyo heesaha Saado Cali toona, taasoo macnaheedu yahay fikradda Awdal State ma soo dhaafi doonto qaadhaan-ururin marka danbe la isku qabqabsado iyo xaflado heeso ah oo la isaga dhex qiiraysiiyo.

 

Diiradda Lughayanews
lughayaweb@gmail.com