Samaroonku wuu saxanyahay Ogaadeenkuna ma qaldana

Diiradda-(Lug)- 8 dii bishan Abril ayuu laanta Afsomaliga  ee BBC da u warramay sul. Maxamad Axmad Xasan  isaga oo ku hadlaya magaca beelaha Samaroon kana cabanayay dulmi uu sheegay in ismaamulka SOMALIda ee Ethiopia kula kacay beelaha SAMAROON oo laga qadiyay degmooyinkii 15ka ahaa ee u danbeeyey ee la bixiyay.

Suldaaanka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo todobaad ka hor ka anbaxabay magaalada Borama ayaa maalmhanba ku sugnaa magaalada Adis-Ababa ee xarunta dawladda dhexe ee Ethiopia, waxayna halkaasi u tegeen sidii ay raysal wasaare Zenawe ugala hadli lahaayeen xuquuqdooda laga qadiyay iyo inuu gobol Somalida ka madax bannaan siiyo oo si toos ah u hoos tega dawladda dhexe.

Dhinac kale, warbixinno jawaabo ah oo ay qorayeen shabakado daacad u ah maamulka Jigjiga ayaa Suldaanka iyo wafdigiisaba ku tilmaamay odayaal reer Somali Land ah oo dhul iyo maamullo ayna deganayn raadinaya, arrintaasina waxa  ay dhirbaaxo culus ku noqotay dulahaanba beelaha Reer Sh. Samaroon oo dalka Ethiopia ku leh taariikhda ay isaga soo danbeeyeen 17 ugaas, sida uu sheegay Sul. Maxamad Xasan.

Dadka aadka u yaqaan taariikhda beelaha SAMAROON ayaa waxa ay sheegayaan in xataa magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Somalida ay iyagu asaaseen, wakhti badanna ay ganacsigooda saldhig u ahaan jirtay balse laga riixay aakhirkiina la dafiray.

Marka aad loo dhuuxo khilaafkan Ogaadeenka iyo Samaroonka ee cusub, waxa lagu dhamayn karaa odhaahda ah “ Samaroonna wuu saxanyahay Ogaadeen-na ma qaldana” taasoo macnaheedu yahay Samaroonka Ethiopia waa runtood oo waa  Ethiopian asal ah  sida ay iyaguba sheegeen, haseyeeshee gadaalbay reer Somali Land ka noqdeen sida ay warbaahinta Ismaamulka Somalidu sheegtay.

Sida ay tiro-koobyo maxalli ahi sheegeen Dhowr iyo tobankii sannadood ee u danbeeyey Samaroonka Ethiopia waxa ay si awood badan ugu soo digo-rogteen dhinaca gobollada galbeed ee Somali Land , waxana la xaqiijiyay in nin kasta oo magiciisa qori kara oo dooxada Harawa iyo Nawaaxigeeda u dhashay uu u shaqo tegi jiray Somali Land, taasina ay sobobtay in deegaankii Ismaamulka laga waayo nin aqoon leh oo qayrkii wax la qaybsan kara oo Gadabuursi ah.

Waxyaabaha caddaynaya in deegaanka Gadabuursiga ee ismaamulka Somalida la soo cidleeyey waxa ka mid ah in 40ka oday ee Adis tegayba ay Borama ka anbabaxeen, sidoo kale wariyaha BBC-da Yoonis Cali Nuur oo u dhashay Somali Land, islamarkaana aad mooddo inuu xog-ogaal yahay ayaa afhayeenka wafdiga waydiiyay halkii ay ku maqnaayeen intii ay Somalida Ethiopia awoodda iyo maamulka qaybsanaysay.

warar aannu ku raadjoogno kuna hawllanahay soo hubintooda ayaa sheegaya, in dhowr bilood ka hor qorshe gobol lagu raadinayay  loo geeyay madaxwaynaha Ismaamulka Somalida Cabdi Maxamuud,  waxana ku qornaa qorshaha gobol raadinta, gobolka magiciisa oo la yidhaahdo Harawa iyo inta degmooyin hoos iman doonta iyo waliba guddoomiyaha u qalma jagadaasi khibrad iyo aqoon ahaanba oo la sheegay inuu noqon doono mudane Maxamuud Sh. C/Laahi Cige oo hore badhasaab uga ahaan jiray gobolka Awdal.

Haseyeeshee madaxdii file-kaasi loola tegay ayaa sheegtay inuu mudane Maxamuud Sh. C/Laahi Cige yahay masuul reer Somali Land ah oo ay hore uga wada shaqayn jireen ammaanka, iskana kaashan jireen arrimaha labo-geesoodka ah ee la xidhiidha nabad sugidda.

si kastaba ha ahaate, Ilo aad u daneeya arrimaha beelaha Samaroon oo arrintan ka hadlay ayaa sheegaya in ay jiraan meelo kala duwan oo ay Samaroonku soo cidleeyeen ugana guureen arrimo  la xidhiidha sobobo dabiici ah iyo durkin qabiilba, waxayna tusaale u soo qaadanayaan deegaannada Aishaca iyo Bullaxaar.

ugu danbayn, dad badan oo indheergarad ah ayaa aaminsan inay beelaha Samaroon xuquuqdooda dalka Ethiopia soo dhacsan karaan haddii laga helo midnimo iyo aragti midaysan oo ay ku qanciyaan dawladda dhexe ee Ethiopia, iyo inay u xaqiijiyaan maamulka Killilka iyo kan Federalkaba inay dalka degganyihiin oo ay dhib iyo dheef wixii alle keeno ku iimaan qabaan, taasoo macnaheedu yahay waxba laguma heli doono dhaqanka ah “Ethiopiana Beertaydaa ku taalla, reerka iyo carruurtuna waxa ay dagganyihiin Borama”.

Diiradda Lughaya News
lughayaweb@gmail.com