Diiradda (Lug)- Suldaanka guud ee beelaha Bahabar Celi Muuse Cilmi Dugsiiye (Sanbuurag) ayaa shalay qabtay shir jaraa`id oo uu ku canbaareeyay waxa lagu magcaabo Awdalstate ee ay qaar ka mid ah dhallinyarada reer Awdal kaga dhawaaqeen
dalalka galbeedka.
Sul.Muuse Cilmi oo hore uga tirasanaan jiray salaadiintii aadka ugu dhawayd madaxwaynihii hore ee Somali Land Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay muujiyay muxaafidnimo hor leh, iyada oo uu shirkiisa jaraa`id ka jeediyay khudbad qabyaaladaysan sida ay dad badani sheegeen.
Suldaanku waxa uu ku noqnoqday in “ fikirka nabad-diidka ah ee Awdal istate” ay ka danbayso beesha Jibriil Yoonis ee uu ka dhashay madaxwaynihii hore ee Somali Land Daahir Rayaale, waxa kale oo uu sheegay inayna beel 10 KM dalka aaan ku wada lahayni go`aan ka gaadhi Karin gooni isu taagga Awdal iyo Salal.
Suldaanka oo ay barbar fadhiyeen salaadiin iyo wax garad kale oo ka soo jeeda Ciisaha Somali Land iyo Bahabarceli ayaa si kulul u hadlay, iyada oo ay khudbaddiisu wadatay turxaan qabiil iyo hadallo badan oo lagu tilmaamay meelkadhacyo iyo weerar gaar ah.
Suldaan Muuse oo aan saaxadda siyaasadeed lagu arag tan iyo markii laga guulaystay xisbigii UDUB ee uu taageersanaa ayaa la isku khilaafsanyahay sobobta shalay ka hadlisay.
Dadka qaarkood ayaa sheegaya inuu suldaanka cadaadis wayni ka haysto dhinaca beeshiisa Bahabar Celi oo ka cabata baryahan danbe inaan shaqo iyo mansabyo looga ogolayn Somaliland, sobobtuna ay tahay taageeradii aan kala hadhka lahayn ee ay siiyeen xisbigii Udub ee lagaga adkaaday doorashooyinkii dabayaaqadii bishii June ee 2010kii ka dhacay Somali Land, iyada oo uu arrintaasina sobobteeda lahaa suldaan Muuse Sanbuurag oo beelihiisa u afduubay maamulkii Udub kadib markii sida la sheegay uu kharashyo badan ka qaatay madaxwayne Rayaale.
Sidoo kale hadalkan Sanbuurag waxa uu ka danbeeyay sida ay ilo xog-ogaal ahi tibaaxeen bayaan ay maamlmo ka hor soo saareen madaxdhaqameedyada beelaha Bahabar Muuse oo ka cabanayay in xadhig iyo dabbagal joogto ah lagu hayo xubno ka tirsan beelahooda, islamarkaana sheegay inay wixii dhib soo gaadha u aanaynayaan qolo walaalahood ah oo xagga danbe ahaan jirtay baryihii hore imikase madaxtooyada Somali Land ka mid noqotay, arrintaasaana ku kalliftay baa la yidhi Sul.Sanbuurag inuu dib u raaco taariikhihii Xaaji Diide iyo Jaamac Zaylici oo magac wayn kulahaan jiray geeska Africa.
Dadkale oo iyaguna aad u yaqaan Sul. Sanbuurag ayaa sheegaya inay xilligii ololihii siyaasad ahaan kala fogaadeen madaxwayne ku xigeenka Somaliland C/Raxmaan C/Laahi Ismaaciil Saylici oo aan cod iyo taageero toona ka helin beeshiisa Bahabar Celi. haddaba maadaama ayna salaadiinta iyo madaxdu waligood kala maarmin, Sul. Sanbuurag waxa uu go`aan buuxa ku gaadhay inuu la heshiiyo xukuumadda cusub si buuxdana ula shaqeeyo, taasaana ku kalliftay baa la yidhi inuu ku celceliyo Zaylici baan adeer u ahay iyo suldaankiisii baan ahay iyo erayo kale oo la mid ah.
Dadbadan oo lafa guray khudbaddii Suldaan Sanbuurag ayaa sheegaya in ay ahayd khudbad dad wada dhashay kala fogaynaysa oo ka qaawan xikmadda iyo deganaanshaha, islamarkaana abuuraysa cunsuriyad iyo xafiiltan qabiil oo aan xilligiisii la joogin.
Inkasta oo ay beelaha Jibriil Yoonis qudhoodu gar iyo gardarraba ku difaaci jireen madaxwaynihii hore ee Somali land haddana waxa uuna muran ka taagnayn inay hab sidan ka ilbaxsan muxaafidnimadooda u maaarayn jireen , dulahaanna waxaad mooddaa in B. Celi ama Habar Xuseen laga muxaafidnimo quruxbadnaa.
Dhinac kale, kacdoonka Awdal State oo la sheegay inuu ku hawllanyahay sidii uu calanka isaga baddeli lahaa ee uu u samaysan lahaa mid kale oo aan u keyn calanka Isreal ama yahuudda, ayaan habayaraatee loo anayn Karin beel gaar ah, sobobtoo ah dadka lagu xanto inay niyad ahaan u taageersanyihiin waxa ka mid ah marka Jibriil Yooniska laga yimaad , dhallinyaro ka mid ah beelaha Habar Cafaan iyo Bahabar Muuse, iyo waliba siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Sool iyo ururka SSC. Inkasta oo la iswaydiinayo sida uu mashruucan qurbajoogga ahi u soo caga dhigan doono dhul aan laga ogolayn.
Diiradda Lughaya News
lughayaweb@gmail.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Diiradda Lughaya News: Khudbaddii Sul. Sanbuurag Iyo Muxaafidnimada Bahabar Celi "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback