Boorama-(Lug)-Maamulka dawladda Hoose ee degmada Saylac iyo masuulyiinta Golaha degaanka ee degmadaasi ayaa haatan soo dhammaystiray berkedo loogu talogalay in lagu kaydiyo biyaha tuulada lagu magacaabo Laagta Morohda kuna taal badhtamaha g/Selel .
Xubno ka tirsan maamulka degmadaasi oo uu horkacayey kuxigeenka duqa magaalada Saylac ahna k/s maayarka degmada Saylac Cismaan Muumin Caarre oo ay la socdeen kuxigeenka taliyaha Booliska degmada iyo kuxigeenka xoghaya dawladda hoose ee degmada Saylac ayaa saddexdii maalmood ee aan soo dhaafnayba ku hawlanaa sidii loo dhammaystiri berkedo loogu talogalay dadka iyo duunyada ku dhaqan degaanka tuuladaasi wakhtigan oo abaaro ba’ani weli haystaan degaankaasi inkastoo meelo ka mid ah gobolkaasi ay roobab ka qaboojiyeen abaartaasi .
Sida ay sheegeen wararka la xidhiidha biyo kaydintan oo ahayd tii ugu horreysay ee degaankaasi laga hirgeliyo isla markaana maamulka magaaladaasi Saylac soo kormeero dhibaatada abaaraha baahsani gaadhsiiyeen dadka iyo duunyada dhulkaasi ayaa la sheegeyaa inay berkedahaasi noqon doonaan kuwa lagaga badbaadi karayo dhibaatada biyo yaraanta ee dhulkaasi lama degaanka ah weligeedba soo haystay, haatanse u muuqda in berkedahaasi soo jiidan doonaa xooladhaqatada dhuldaaqsinkaasi ku nool .
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.Ibraahim-(Hyena)
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Maamulka Dawladda Hoose Ee Degmada Saylac Oo Berkedo Ka Hirgelisay Degaanka Laagta Morohda "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback