In ka badan $300 oo malyuun ayey shirkadaha xawaaladaha qaarkood u hayaan dadka reer Somaliland oo iyagu amaano ahaan lacagahan u dhigta shirkadaha si marka ay u baahdaan ay uga qaadan karaan.
Haddaba waxaa beryahan dambe soo kordhaya cabsi laga qabo lacagahan tirada badan ee ku ururaya shirkadaha lacagta qaarkood.
Waxa laga baqayaa haddii shirkadahani wax ku yimaaddaan in ay dad badani ku caydhoobaan oo dhibaatadu aanay shirkad qudha ku koobnaan ee ay noqoto mid dalka oo dhan gaadha. Hantida umadda ee ku urursan shirkado yar ayaa dhalin karta “systemic risk” ama dhibaato caam ah oo nidaamka lacagaha iyo dhaqaalaha dalka oo dhan saameyn weyn ku yeelata.
Sababaha looga werwersan yahay lacagahan keydka ah waxa ka mid ah:
1. Ruqsad la’aan: Shirkadahani ruqsad uma haystaan in ay lacago keyd ah dadka ka qabtaan. Liisamada ay ka haystaan Bangiga Dhexe ee Somaliland waxa uu u fasaxayaa oo keliya in ay lacag xawilaan ee uma ogola in ay dadka u furaan “Account” oo ay yidhaahdaan lacag soo dhigta.
2. Damaanad la’aan: Shirkadahani ma haystaan wax damaanad ah oo suura gelin karta in haddii ay wax ku dhacaan ay dadka lacagtooda badbaado. Maadaama aanay shirkadahani u dhisnayn qaab bangi oo aanay ruqsad iyo ogolaansho toona u haysan adeeggan ay qabtaan, ma jiraan wax damaanad ah oo shirkaduhu haystaan.
3. Shirkadaha oo lacagaha ku shaqeysta: Shirkadahani waxay lacagaha amaanada loogu dhiibtay ugu shaqeystaan sidii hanti ay leeyihiin. Shirkadahni marka ay u baahdaan “working capital” halkii ay saamiyo ka bixin lahaayeen ee faa’iidada ay sameeyaan dad la qaybsan lahayeen waxay dadka weydiistaan in ay lacag soo dhigtaan si ay u helaan deyn fudud oo aanay waxba daba socon.
4. Heshiis la’aan: Ma jiraan heshiisyo faahfaasan oo si sharci ah shirkaduhu ula galaan dadka lacagaha dhigta. Arrintani waxay inta badan keentaa in dadku aanay ka warqabin in lacagtooda lagu shaqeysanayo iyo in haddii qofkii lacagta lahaa wax ku dhacaan la waayo nidaam loo raaco oo lacagtii shirkadda looga qaato.
5. Xawaaladaha ka shaqeeya Soomaaliya oo loo arko kuwo khatar ku sugan: Xawaaladaha Soomaalida ee sida ballaadhan uga hawlgala koonfurta Soomaaliya ayaa khaasatan waxa iyaga loo arkaa kuwo ka khatar badan shirkadaha la midka ah ee ka shaqeeya dhulalka amaanka ah ee dawladuhu ka jiraan. Arrintani waa ta dhalisay in tobankii sanadood ee u danbeeyey ay ilaa 17 xawaaladood oo ay ka mid ahaayeen Dalsan iyo Barakaat ay xidhmaan. Waddamada Galbeedka ayaa iyagu sameystay qawaaniin adag oo si gaar ah indhaha ugu haya xawaaladaha Soomaalida.
Waxa intaasi dheer lacagahan dadka ee lagu shaqeysto oo aan dalka waxba usoo kordhin. Deyntan fudud ee shirkadahani heleen waxay dhiiri gelisay in lacago badan la geliyo dhul-iibsi taasoo keentay in maanta baloodhka Hargeysa badhtankeeda ku yaallaa uu ka qaalisanaado ka ku yaalla “City of London”. Waxyeellada ugu weyn ee tani keentay waxay noqotay in dadkii dhisan lahaa warshado ama waxyaale kale oo dalka wax usoo saara uu dhulkii ku qaaliyoobo.
Iyada oo maanta lacag ka badan $300 malyuun oo keyd ahi taallo Somaliland ayaa waxaa iyana dhacda in ninka leh beer waraab ah oo qiimaheedu yahay boqolaal kun haddii uu u baahdo dhowr kun oo doolar oo uu siisto matoor uu beerta ku waraabiyo uu ka waayo shirkadaha lacagta intaa leeg ee umaddu leedahay hayaa, iyadoo la ogyahay in lacagta beertan ama warshad wax soo saar la gelayaa ay ka damaanad wanaagsan tahay waxyaabaha ay shirkaduhu geliyaan lacagta.
Sidee arrintan wax looga qaban karaa?
Waxaa arrintan masuulideeda iska leh Bangiga Dhexe ee Somaliland oo isagu awood buuxda u leh in uu nidaam u sameeyo oo wax ka bedelo qaabkan wax u socdaan. Inta la sugayo sameynta iyo dhaqan gelinta xeerka bangiyada, waxaa la gudboon Bangiga Dhexe iyo hay’adaha kale ee dawladda ee ku shaqo leh in shirkadahan laga dalbado:
1. In ay gebi ahaanba joojiyaan ku shaqeysiga lacagaha amaanada loogu dhigto.
2. In ay dadka u soo bandhigaan hantida ay haystaan, waxa ay macaashaan ama khasaaraan iyo inta ay leeg tahay hantida ay dadka u hayaan si macaamiisha lacagta dhiganaysaa ay u cabiri karaan kolba halka xaalkoodu marayo iyo in lacag kale lagu aamini karayo.
3. In xisaabaadka shirkadahan sannad walba si madaxbanaan loo “audit”-gareeyo.
4. In ay kala qoqobaan oo aan la isku dhex qasin hantida shiraduhu leeyihiin iyo ta dadku u dhiibtaan.
Waxa kale oo muhiim ah in xeerkan qabyada ah ee bangiyada ay dawladdu kala tashato dhammaan shirkadaha lacagaha ka shaqeeya iyo ciddii kale ee daneynaysaba. Waxa jira in mid ka mid ah shirkadaha lacagtu ay hore xukuumadda ugu gudbisay xeer bangi oo ay iyadu soo sameysay.
Haddaba si looga hortago muran la mid ah kii ka dhashay xeerka isgaadhsiinta waxa dawladda la gudboon in ay shirkadaha oo dhan la tashato.
Dr Ismail Ibrahim Ahmed
WorldRemit, London, UK
iahmed@worldremit.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Opinion: Lacagaha Xawaaladaha La Dhigto Iyo Baahida Loo Qabo In Nidaam Loo Sameeyo "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback