Boorama-(Lug)-Xubno isugu jira cuqaal salaadiin kasoo jeeda beelaha Awdal iyo Selel ayaa qurba joogga reer Awdal ee u ololaynaya waxa loogu awdal state ku tilmaamay kuwa an metelin dadka ay sheeganayaan ,
isla markaana doonaya inay xasilooni darro ka abuuraan Somaliland.
Salaadiintan oo kasoo kala jeeda beelaha Ciise iyo Samarroon oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Boorama kaga hadlay arrimahaasi .
Suldaan Muuse Cilmi Dugsiiye oo ugu horreyn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dadka sheeganaya inay kasoo jeedaan gobolka Awda , aanay ahayn kuwa meteli karaya bulshoweynta gobolkaasi isla markaana arrimaha ka dhanka qarannimada Somaliland aanay marnaba ku guuleysan doonin .
Suldaanka oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “waan ognahay cidda arrimahan ka wadwadda debedaha , mana aha kuwa waxyeelayan karaya ama wax ka beddeli karaya go’aankii reer Awdal iyo Selel iyo Somaliland ku wada dhisteen qarannimada dalka, sidaan darteedna wax saamayn ah oo caynkaas kama samayn karaan dalka, waana kuwa naftooda la cararay oo qaxooti ah “.
Axmed Cali Bile kana mid ah siyaasiyiinta beesha Ciise oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “runtii maaha wax lagu daalo inammo yar yar ama siyaasi meelahaa ka had hadla oo ku sheekeeya wax aan dalkan iyo dadkan midna aaminsanayn , waxna iskama beddelin mawqifkii reer Awdal iyo reer Selelba ku taageerayeen gooni isutaagga Somaliland, waxan leehay waar shalay dalkan reer Awdaloow idinkaa xukumayey maantana walaalihiin uunbaa xukuma ee kudedaala taageeradiina dhinaca horumarinta, kana baxa wax kastoo isku diraya shacbiga dalka, waxaan u dhimaya qarannimadiisa iyo amnigiisaba .
Sh.Xasan Colhaye kana mid culimada diinta ee Boorama oo isna halkaasi ayaa yidhi “belaayadu way hurudaa lamana toosiyo, haddaba waxan dadkyaga debedaha jooga u sheegeya inaysan iska xumayn wejiga iyo sumcadda reer Awdal ku leeyihiin debedda iyo gudahaba sababtoo Boorama lagu dhisay Somaliland , lamana dumin karo dawladnimada, waana ceeb in maanta oo aan ka mid nahay inta xukunta dalka la isku mashquuliyo ama dadka lagu jahwareeriyo wax aan soconayn, reer Awdal iyo Selelna aanay yeeli karayn .”
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.Ibraahim-(Hyena)
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Xubno Isugu Jira Salaadiin Iyo Cuqaal Kasoo Jeeda Beelaha Awdal/Selel Oo Cambaaree -yey Kooxaha Qurbajoogga Ee U Ololaynaya Waxa Loogu Yeedhay Awdalland "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback