Boorama-(Lug)-Maayarka Boorama C/raxmaan Shide Bile ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay  masuuliyiinta  ururada dhallinyarada iyo madaxda ururada samaalka maxalliga ah ee ka hawlgala  magaalada .

Kulankan oo ahaa kii ugu horreeyey muddo bilo ah dhex marara masuuliyiinta G/degaanka  Boorama iyo ururada maxalliga ah ee  ka hawlgala magaalada ayaa waxa uu ku saabsanaa sidii maamulka magaalada iyo ururradaasi iska kaashan lahaayeen arrimo badan  oo la xidhiidha dhinaca horumarka, gaar ahaanna ololaha nadaafadda ee la qaban doono kawda bishan April ee soo socota .

Maayarka iyo masuuliyiinta ururadaasi oo tiradoodu gaadhayso ilaa tobaneeyo urur ayaa waxay kulankoodan kusoo qaadeen sidii  dhallinyarada oo ah xoogagga ugu badan dadweynuhu uga wada qayb qaadan lahaayeen arrimaha horumarka ee haatan ka socda  magaalada iyo amniga guudba, iyadoo dhinaca kalena masuulyiinta ururadaasi iyo maamulka magaaladu ka wada hadleen  diyaarinta agabka, gaadiidka , shaqaalaha iyo awoodda lagaga qayb qaadan karo ololaha soo socda ee dhinaca nadaafadda , kaasoo  daba socda wareegtadii madaxweynaha dalku ugu baaqay shacbiga in 45kii maalmoodba la qabto olole lagu horumarinayo  nadaafadda guud ee magaalooyinka dalka, iyadoo bilihii aan soo dhaafnay ee ololahaasi socday aanay sidaa uga  muuqan magaalada  isla markaana cid kastoo loo filayey inay ololahaasi ka qayb qaadato aanay kasoo daahirin  maka laga  reebo shaqaalaha  nadaafadda ee  dawladda hoose ee Boorama .

Ololahan oo la doonayo inuu noqdo kii ugu weynaa  ee  maamulka golahaasi kaga qayb qaato maalintaasi ayaa sidoo kale la filayaa in kulammo noocan oo kala ay masuulyiinta  golaha degaanku la qaataan laamaha kale ee dawladda, shirkadaha, ganacsatada iyo qaybaha kale ee dadweynaha .

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.Ibraahim-(Hyena)
Lughayanews-Boorama