Ma Awoodo D/Hoose Inay Dadka Marwalba La Hadasho….Saxaafada Ayaanan Ka Rabnaa Inay….Maayarka Boorama

Boorama-(Lug)-Maayarka magaalada Boorama Mud. Cabdiraxaan Shide Bile ayaa maanta galinkii dambe kulan aan la sii qorshayn la yeeshay suxufiyiinta maxaliga ah ee ka hawlgala magaalada Boorama una shaqeeya wakaaladaha gudaha iyo dibada dalka ee warbaahinta.
Kulankan ayaa waxa goobjoog ka ahaa Isuduwaha wasaarada Waraafinta Mudane Maxamed Cumar Sheekh, Wariyaha TV-ga Qaranka Iyo Radio Hargaysa Mud. Abokor Xasan Caafi, Wariyaha Somalichannel Cabdifaraax Axmed, Wariye Maxamed Dabshid oo ka socday Shabakada Cadceed.com, Wariye Haashim oo ka socday Radio Barkulan Iyo Wariye Maxamed Bili-bili oo ka socday shabakada Lughayapress.
Maayarku waxa uu suxufiyiinta kala hadlay sidii ay kaalinta wacyi galinta ee ay leeyihiin uga qaataan ololaha nadaafada ee magaalada Boorama ka dhacaya maalinta bari ah Boorama, waxana uu tilmamay in suxufiyiinta uu kalsooni ka qabo sidii ay dadwaynaha u gaadhsiin lahaayeen fariimaha qashinka loo ururinayo iyada oo ay dulucdu tahay in laga wada faaiidaysto ahmiyada saxaafada ee dhinaca wacyigalinta bulshada.
Kulankan ayaa waxa ka hadlay maayarka Boorama waxana uu hoosta ka xariiqay in ujeedada kulankan aan la qorshayni uu yahay mid aad ugu muhiim ah dawlada hoose ee Boorama iyo ka midho dhalinta hormarka bulshada ee ay dawlada hoose wado. Maayarku waxa uu carabka ku dhuftay in ay dawlada hoose qaaday talaabooyin xoogan oo ay ku soo ururinayo cashuurta waajibka ah ee lagu leeyahay muwaadiniin badan, waxana uu tilmaamay in ay talaabadani dad badan oo raba inay lunsadaan cashuuraha xaqa ay ay cabasho ka keenaan cabashadaasina ay noqoto mid ay suxufiyiinta la soo doontaan iyaga oo doonaya in cabashadooda aan salka lahayn ay meel dheer gaadhsiiyaan si ay xiisad u sii abuuraan.
Gorfayn dheer kadib ayaa waxa gundhiga qodobkani sare oo noqday in labada dhinacba awooda la saaro sidii hormarka looga qayb qaadan lahaa isla markaana waxa ay wariyayaashu kula taliyeen dawlada hoose oo uu maayarku matalayay in ay hadii ay umada u cadaalad falaan oo ay cashuurta ay qaadayaan ay noqoto mid xaq ah aanay cidina diidi Karin, waxa kale oo la iftiimiyay in marar badan musuqmaasuq ay ku kacaan dawlada hoose shaqaale hoosaadka u qaabilsan cashuurahu uu sababi karo in ay cabasho dhalato taasina ay wariyayaashu xaq u leeyihiin inay daba gal ku sameeyaan loona baahan yahay dawlada hoose in ay shaqalaheeda waaxda cashuuraha iyo waaxyaha kale kobciso mushaharooyinkooda si ayaa la tilmaamay meesha looga saaro musuqmaasuqa baahsan ee hadheeyay cashuuraha ururintooda.
Suxufiyiinta ayaa waxa kale oo ay maayarka u tilmaameen in marar badan meelaha ay ka eegaan inay qoraan dhacdooyinka jira ay yihiin wada shaqaynta Maamulka D/Hoose iyo laamaha ay khusayso ee sida Booliska Maxakamada IWM ah kuwo ay suxufiyiintu tilmaameen in ay marar badan dhacdo in cagajiid iyo fulin la’aani ay ka timaado dhinacyadaasi isla markaana ay saxaafadu hesho xogo salaka ku haya in awaamiirta dawlada hoose ay u fuli wayday sababo la xidhiidha eex, cadaalad daro laaluush IWM.
Maayarku waxa kale oo xusay inay D/Hoose siyaasad ahaan go’aansatay sidii bulshada wacyigeeda kor loogu qaadi lahaa isla markaana waxa uu tilmaamay in dawlada hoose aysan awoodi Karin in 24kii saacba ay bulshada wacyi galiso ama isticmaasho cududa ciidanka Booliska si loo gaadho ujeedada la hiigsanayo, waxana uu maayarku tani badalkeeda xusay in saxaafada ay ka rabaan inay kaalintaasi buuxiso dawlada hoosana ay masuuliyada ah inay diyaariso agabkii goobaha kulanada dadwaynaha ah iyo waliba kulamadii bulshada ee dhinacyada hormarka.
Dhinaca kale suxufiyiinta ayaa waxa ay soo bandhigeen in mararka qaar masuuliyiinta dawlada hoose laf ahaanteeda ay ku kacaan kala qaybin iyo karaama dil ay masuuliyiintu ku samaynayaan suxufiyiinta laf ahaantooda, waxa kale oo ay xuseen in maayarka oo ka masuul ah dawlada hoose uu ka hawl galo sidii ay dawlada hoose u kasban lahayd wada shaqaynta suxufiyiinta. Maayarka ayaana waxa uu balan qaaday in suxufiyiinta uu la saxeexan doono heshiis uu ku kobcinayo wadashaqaynta saxaafada
Sikasta ha ahaatee kulankan ayaa midho dhal ahaa isla markaana la isla gorfeeyay in hawsha lawada qabto
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Maxay Kaga Wada Hadleen Maayarka Boorama Iyo Suxufiiyiinta G/Awdal Kulankoodiii Kadiska Ahaa "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback