saylici.jpgMadaxwayne ku xigeenka JSL ahna ku siamaha Madaxweynaha JSL Mudane, C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta magacaabay guddi heer qaran ah, oo agaasinta u diyaar garowga sannad guurada 20-aad ee xuska maalinta qarranimada Somaliland ee 18 ka May.

Madaxwayneku xigeenka  C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) guddidan heerka qaran ee uu u magacaabay, qaban qaabada xuska 18-ka May, oo uu gudoomiye u noqon doono Wasiirka arrimaha gudaha, ayaa waxa ay kala yihiin sidan:-

1.      Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
2.      Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda.                                                                         
3.      Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta.                                                      
4.      Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga
5.      Wasiirka Wasaaradda dhalinyradda,  Ciyaaraha, dhaqanka iyo Dalxiiska.         
6.      Chief Of Protoclka Madaxtooyadda      
7.       Agaasimaha Maamulka Madaxtooyadda                                             
8.      Badhasaabka Gobolka M/jeex                                                            
9.      Maayarka Caasimadda Hargeysa.
 
Madaxwayne ku xigeenka JSL, Mudane, C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa waxa uu ku booriyey xubnahaa uu u magacaabay qaban qaabada xuska maalintaa, in ay muujiyaan taariikhda ku duugan munaasibada ay leedahay maalintan 18ka May,  waxaanu faray in ay hawshaasi xil mugleh ay iska saaraan, isla markaana ay si degdeg ah uga hawl galaan agaasinkeeda.

ALLAA                       MAHAD                             LEH

Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.