Boorama-(Lug)-Waxa magaalada Boorama ku sugan W/Ku/Xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mud. Cali Xaamud Jibriil, masuulkan ayaa waxa uu soo gaadhay magaalada Boorama habeenimadii xalay ahayd waxana uu ahaa safarka Wasiirku xigeenku mid aan la sii ogayn.
Wasiir ku xigeenka ayaa lasheegayaa in safarka uu Boorama ku yimid uu yahay mid aan la xidhiidhin hawshiisa wasaarada waxbarashada, waxana markan loo badinayaa in uu wasiirkuxigeenku u yimid Boorama sidii uu u abaabuli lahaa odaydhaqameedyo ka soo jeeda degaanka Lughaya oo la doonayo inay kaalin lixaad leh ka qaataan sidii loo soo afjari lahaa muran dhawaan degmada Lughaya ku dhex maray laba beelood oo degaankaas ka soo jeeda.
W/Ku Xigeenka ayaa la rajaynayaa in uu si dhaqso ah ugu baqoolo dhinaca dhinaca degmada Lughaya halkaas oo dhawaan la rajaynayo in degaanka Cabdi Geedi ay ka dhacdo Gogol dhaqameed aan la hubin inta ay qaadaan doonto balso la qorsheeyay in la isku soo hor fadhiisiyo beelahaas uu muranku u dhexeeyo ee degaankaasi, waxa kale oo la filayaa in Wasiirku xigeenkan ay Cabdi Geedi ku kulmi doonaan Wasiirka Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Dhaqanka Mud. Madar uu isaguna ka iman doono dhinaca Hargaysa si uu kaalin lixaad leh uga qaato soo afjirida khilaafkaasi.
Waxa la ogsoon yahay in oday dhaqeedyo ka soo jeeda dagaankaasi ay tan iyo sidii ay u soo if baxday xiisadaas degaanka Lughaya ay ahaayeen kuwo dul hoganayay madaxtooyada Hargaysa isla markaana culays badan ku saaray M/Wayne ku xigeenka inuu xal u helo xiisaadaas oo ay ilaa hada dhalinyaro iyo odayaal u xidhxidhan yihiin, waana arintaas mida sababtay in uu madaxwayne ku xigeenku ku taliyo in arinta lagu soo afjaro sidii dhaqanku ahaa dibna loogu celiyo degmada Lughaya. Waxana ay xukuumadu u xil saartay Wasiirka Ciyaaraha Mud. Madar iyo W/K/Xigeenka Waxbarashada Mud. Cali Xaamud oo ka soo kala jeeda labada beelood ee degaankaas ku muransan inay xukuumada matalaan xalkana ka qayb qaataan.
Waxa kale oo jira warar sheegaya in wasiirku xigeenkani uu Boorama u soo maray sidii uu xukuumada fadhiidka ah ee gobolka ugu dardar galin lahaa sidii ay talaabooyin xilkasnimo iyo wax ku ool ah uga qaadi lahayd xurguf dhinaca afka ilaa hada u badan oo u dhaxaysa qaar ka mid ah oday dhaqameedyada Boorama taasi oo maalmihii u dambaysay noqotay mid aflagaadooyin beeleed, gocasho odaydhaqameed iyo dhaliisha xukuumada gobolka ee dhinacyado badan dibada soo dhigtay.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " W/K/Xigeenka Waxbarashada Mud. Cali Xaamud Oo Boorama Kusugan Una Sii Jeeda Lughaya Iyo Ujeedada Socdaalkiisa "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback