Boorama-(Lug)-Muwaadin Ibraahin Aamin Gadiid ayaa ku xidhan xabsiga magaalada Hargaysa maalintii saddexaad. ibraahin aamin gadiid waxa uu kamid yahay masuuliyiinta dawlada gaar ahaan wasaarada waxbarshada iyo tacliinta .
dhalinyarada wax ka barata jaamacadaha Gobolka Awdal ee Magaalada Boorama ayaa xadhiga Ibraahim Gadiid canbaareeyy waxaanay ku tilmaameen arin lalayaabo amaba yaab ku noqonkarta cidwalba oo ku taamaysa inay xil ka qabato guud ahaanba dalka .
C/qaadir Bashiir Faarax oo kamid ahaa dhalinyarada ka hadashay madasha ay dhalintu ku qabatay shirka jaraa’id ayaa waxaa uu carab baabay inay tani tahay wax aan horay dalka uga dhicin loona baahan yahay in laga gaashaanto, waxaa kale oo ka hadlay madashaasi haaruun xuseen xaashi oo tusaale usoo qaatay in hadii uu ahaa masuuliyiintii dawlada inay kasareeyeen masuuliyiinta kala ahaa agaasimae guud ,wasiir ku xigeen iyo waliba wasiirka wasaarada waxbarashada .
La isna waydiinayo asbaabta keentay in loo taxaabo xasbiga muwaadin Ibraahin aamin gadiid in loo taxaabo kaligii halka ay masuuliyiintii kasaraysana ay tamashlay ugu jiraan gudaha Magaalada Hargaysa ee caasimda dalka .
Sidoo kale waxaa ka hadlay Warsame Maxamad Cismaan oo kamid ahaa dhalinyarada wax ka barata jaamacadaha dalka gaar ahaan Hooyada wax barashada ee jaamacada camuud ee ku taala magaalada waxaanu dheeraaday qiimaha ay leedahay xoruyadu waxaanu ka codsaday maamulka sare ee jamhuuriya inay ku eegaan ilcadaaalad ah oo aan loo iigin arimo kale .
Waxa ugu danbaytii ka hadlay ka hadlay saxan cakaal raage waxaanu nasiib daro soo food saartay ku tilmaamay inay ku noqon karto guud ahaanb dalka oo dhan arin aan laga indho saaban Karin .
Wariye:-
Yuusuf Cabdi Cali-(Indho-qurux)
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Dhalinyaro Reer Boorama Ah Oo Cambaaraysay Xadhiga Muwaadin Ibraahim Aamin Gadiid "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback