p4281022.JPGLondon-(Lug)-Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay Wasiirka Wasarada Beeraha S/land Prof. Farax Cilmi Mahamud {Geedoole} Habeenkii Khamiista   ahayd ee la soo dhaafay lagu qabtay Galbeedka magaalada London. Gaar ahaan Xafada Southall.

p4281022.JPG

Xafladaasi oo isugu jirtay  Isbarasho, Xogwaran iyo  wada hadalo ayaa waxa kasoo qayb galay dadyow fara badan oo isugu jira Siyaasiyiin, Aqoonyahano,  Ganacsadayaal iyo Masuuliyiin Si Weyn u Tageeri jirtay Xisbiga Talada Haya Ee Kulmiye Oo Matalayay Jaaliyada Somaliland Ee Galbeed London.

p4281026.JPG

Waxaa Wadanka   Uk baryahba ku Sugnaaa  Wafti Balaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka Beeraha Somaliland, Prof.Faarax Cilmi Geedoole, waxaan waftigan ku wehelinaya wasiirka Awqaafta iyo Diinta Sheekh Khaliil C/laahi iyo La taliyaha madaxweyne ku xigeenka Cusman Siciid Jama.

p4281028.JPG

Waftigan ayaa sida ay warbaahinta u sheegeen waxa ay tahay ujeedadoodu in ay kulamo la yeeshaan Jaaliyahada Somaliland ee ku nool dalkan ingiriiska, kuwaasi oo xooga saari doona sidii ay dadka Abaaruhu haleeleen ay ugala qayb qaadan lahaayeen.

p4281031.JPG

Waftigan balaadhan waxay soo mareen dhamaan wadankan uk oo ay la kulmeen jaaliyada Somaliland ee kunool waxa ka bilaabay magalada london, Birmingham, Manchester, Bristol, Leicester, Sheffield, Cardiff. isla markii uu kusoo laabtay London .

p4281033.JPG

Waxa casuumad sharafeed u fidiyay Wasiirka Xubnu Muhiin ah oo ka Tirsan Jaaliyada Somaliland Ee West London.

p4281034.JPG

Waxa Hadalka Qaatay Ismail Cambaashe Mohamed, Oo Wasiirka Beeraha Aad Igu Amaaanay wax Qabadkiisa intii uu xukunka hayay kurna u qaaday wasaaradii beeraha, waxa uu carabka ku dhuftay. Mudane Ismail Cambaashe Bariiska hada uu ka beeray dhulkuu hooyo, Wuxuna wasiirka ku booriyay haduu wasiirku tayada wax soo saarka dalka kor u qaado uu yahan wasiirku ninka kali ah Ee Haya Aqoonsiga Somaliland.

p4281035.JPG

Waxa Isna hadalka kadabo qaatay, Mudane Mustafe Cabdi Ciise ”Shiine” oo Ah M/Xigeenka Madbacada Qaranka JSL. waxa uu kahadlay waxqabadka dowlada cusub intii ay xilka lawareegeen, waxana uu aad igu dheeratay Horumarka ka taabo galay Somaliland oo dadkii madasha fadhiyay aad u qiiro galiyay, farxad iyo Idiidiilo weyn galiyay.

p4281037.JPG

Mudane Saleebaan Faarax Abdilaahi ‘Aways’ ayaa aad igu dheeray inay dadka galbeedku Waligeed Iskaashi dhinac walba ah lahayeen Dhigooda Bari, Waxa aad igu sheekeyay taariikh aad u Fac weyn oo uu ku Tilmaamay in loo baahan yahan  dib lasoo nooleeyo, Wuxuuna ku tilmaamay inay tahay muqadis inay dadka qaarkood wada yeeshaan xiriir wanaagsan oo hirgaalin kara barwaaaqo ka hana qaaada guud ahaaan jamhuriya Somaliland, waxa kaloo u mahad celiyay Mudane Saleeban Dadkii Xafladan Sharafeedkan Qaban qaabiyay iyo Dadkiii Fidiyay oo ay igu horeeyaan Jaaliyada Somaliland Ee West London.

p4281038.JPG

Xiriiriyaha Xaflad Sharafeedkan Mudane Abdirahman Daahir Ojor  Asalamu calaykum Waraxmatulaahi wabarakatul, intaasi kabacdi ,Walalayaal waxa rabaa in aan Fursadan Qaaliga kaga Faaiidaysto in aan Salaan Sharafeed Hawada u Mariyo. Madaxwayne ku xigeenka JSL ahna ku simaha Madaxweynaha JSL Mudane, C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) Iyo Marwo Raxma Xaaji Muxumed Suldaan, Waxaan Kaloo u Mahadnaqayaa Wasiirka Beeraha Prof. farax cilmi Geedoole siduu wakhtigii qaaliga noo siiyay, waxaan kaloo mahadnaq balaadhan aan u jeedinayaa bahda Somaliland West London oo martiqaadkan Qaaliga ahaa iyaka ay iska lahayeeen Ayna ku mamuusayeen Wasiirka.

p4281039.JPG

Halkaasi waxa ka hadlay dadyoow kala duwan, oo ay ka mid ahayeen Xildhibaan Iiman Mohamed Isse iyo Dr.Abakor Cige Faahiye , aakhirkiina waa hadal kooban oo mahadnaq iyo warbixin ah laga dhegeystay Wasiirka Wasaarada Beeraha Prof. Farax Cilmi Mahamuud ”Goodoole” Wasiirku waxa aad u mahad naqay jaaliyada Somaliland West London iyo Guud ahaan Jaaliyadaha kala duwan ee Somaliland, Waxa uu wasiirku dabaalka ka qaaday in uu marka uu laabto ka beerayo Timirta  Sisinta, Taasi oo dadkii xafladan fadhiyay mar kali ah Sacab u tumeen wasiirka. Wajiyadoodana farxad weyni  ka muuqatay. Xafladuna waxay kusoo dhammaatay jawi farxad iyo guul.

p4281040.JPG

Dadkaasi waxa ka mid ahaa Mudane.Mustafe Cabdi Ciise ”Shiine’, Liibaan Abdirahman Liibaan. Mohamed Abdilaahi Cige”Dhagofiiq”, Dr.Abakor Cige Faahiye. Ismail Cambaashe Mohamed. Abirahman Yaasir Cabdi, Xildhibaan Iiman Mohamed isse. Saleeban farax abdilaahi’Aways”,  Khadiir Mohumed Alaale ‘Qolaab” Iyo Xariiriyaha Xaflada Abdirahman Daahir Ojor.

p4281046.JPG
p4281047.JPG

Reporter:Khadiir X/Muxumad Qoolaab
Editing:C/raxmaan Daahir Ojor
London,Uk