Boorama-(Lug)-Suldaan Muuse Cilmi Dugsiiye (Sanbuurag) ayaa maanta ciidamada Booliisku ka qabteen Gurigiisa hootana ku sugan saldhiga dhexe ee magaalada Boorama.
Shabakada wararka ee Lughayanews oo Suldaanka ku booqatay Saldhiga dhexe ee Boorama, ayaanay u suurto galin in ay ka wax ka wardiiso saraakiisha Booliiska ee heer gobol iyo heer degmo waxa uu ku saabsan yahay xadhigiisa.
Dhanka kale mar ay Shabakada wararka ee Lughayanews khadka Telephone-ka kula xidhiidhay Suldaanka waxna ka waydiisan xadhigiisan ayaa waxa uu yidhi “ Annigu halka loo guurayo maan garan, horena waa loo hadli jiray, waad hadashay baa la isku xidhayaana maaha mid aan fahmayo Annigu” ayuu hadalkiisii ku soo koobay suldaanku.
Suldaan Muuse Cilmi Dugsiiye ayaa maalmihii ina dhaafay waxa uu ahaa mid soo jiitay indhaha saxaafada ka dib markii shir jaraa’id oo ay wada jir u qabteen Suldaanka iyo oday dhaqameedyo kale uu gundhigiisu noqday hadalo mid naxli iyo kala qaybin u horseeday beelaha dega Gobolka Awdal qaarkood.
Waxii warar ka soo kordha Xadhiga Suldaanka kala soco Shabakada Wararke ee Lughayanews.
Wariye-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama



Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Suldaan Muuse Cilmi Dugsiiye (Sanbuurag) Oo Ciidanka Booliska Boorama Maanta Ay Xidheen "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback