Boorama-(Lug)-Galabta abaaro 6:05 Maqribnimo waxa magaalada Boorama si wayn looga dareemay dhulgariir guuxiisu uu aad u waynaa, wali macada in dhulgariirkani wax qasaare ah gaysatay iyo in kale mana jiraan ilo dawladeed oo ilaa hada ka hadlay dhulgariirkan.

sidoo kale dhulgariirkan ayaan ilaa dada la hayn qiyaasta cabirkiisa, waxase uu ahaa mid watay guux aad u xoogan oo wali ay dad badan oo reer Boorama ahi sii xasuusan yihiin.

Si kastaba ha ahaatee waxa ay ahayd dabayaaqadii sanadkii hore markii ay magaalada Boorama dhulgariiradu caado u noqdeen walina ay dadku sii xasuusan yihiin saamayntii dhinaca argagaxa ahayd ee uu ku yeeshay

Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama