Boorama-(Lug)-Shir balaadhan oo u socday bahda  Aqoonyahanka iyo dhalinyarta beelaha Reer Nuur ee ku sugan Somaliland gudaheeda, shirarkaas oo ka dhacay magaalooyinka Borama,Hargaysa,Dilla,Baki iyo Magaalo/Cad, shirarkaas ayay Aqoonyahanka iyo Dhalinyartu ku gorfeeyeen Arimo khuseeya danaha beelaha, kuwaas oo la xidhiidha Arimaha Siyaasada iyo in ay muujiyaan kaalintooda kaga Aadan hogaaminta dalka Somaliland, taas oo mudooyinkii dambe beelaha Reer Nuur saaxada Siyaasada aanay ka muuqan, isla markaana loo baahday in la soo celiyo kaalintii libaax ee ay kaga jiraysay Siyaasada Somaliland ee hormoodnimada ahayd, waxyaabaha lagaga hadlay shirkaas waxaa ka mid ahaa isku xidhka iyo midaynta Afkaarta Waxgaradka iyo Dhalinyarta beelaha reer Nuur ee dalka gudihiisa iyo dibadiisa. Hadaba shirkaas waxaa ka soo baxay go’aamo loogu talagalay in lagu baahiyo warbaahinta si ay u gaadho Ummada.

1-    Adkaynta iyo Nabad kuwada noolaanshaha beelaha aan walaalahanahay ee Somaliland

2-    In Cid kasta oo wada Afkaar colaadeed oo dagaal ka dhex Abuuri karta Beelaha Somaliland iyo Beelaha reer Nuur si toos ah looga      horyimaado.

3-    In la Qaato talo kasta oo ay ku midaysan yihiin Beelaha Gobolada galbeedka Somaliland ee dhiiga iyo dhalashadu inaga dhaxayso.

4-    In Beeshu ku sifawdo dhexdhexaadnimadii beelaha G/Awdal iyo Salal, kana hortegto wax kasta oo khalkhal gelinaya beelaha walaalahooda, xag nabadgelyo iyo horumarba.

5-    In beelaha Reer Nuur iyaga oo tixgalinaaya wadajirka bulshada Somaliland, Waxay soo jeedinayaan wixii tabasho ah ee ka maqan beelaha Samaroon in wadajir lagu doono, islamarkaana wadahadal toosa lala galo cida talada Somaliland ka go’do.

6-    Maadaama ay soo dhawaatay Qadiyadii Aqoonsiga Somaliland beeshu waxay ku talinaysaa in la ilaaliyo nabad galyada iyo wadajirka shacabka, xukumada jirtana lala shaqeeyo si loo gaadho guusha aan sugaynay mudada dheer.

7-    Maadaama ay beelaha reer Nuur ku soo caana maaleen talo wadaag iyo wadatashi waxay beeshu taageersan tahay horena u ahayd Somaliland cid kasta oo ka hortimaada mawqifkaa Somaliland mid ka duwana, aanay beeshu taageersanayn  ayna ka soo horjeedo

 

Gudida Aqoonyahanka Iyo Dhalinyarta Beelaha Reer Nuur

 

1.     Maxamed Ismaaciil Habane         Gudoomiye

2.     Bashiir Cumar Caamir             G/xigeen

3.     Naasir Xuseen Xirsi              Xoghaye

4.     Mukhtaar Cabdilaahi Ducaale

5.     Bashiir Muuse Bile

6.     Ahmed Maxumed Nuur      

7.     Maxamuud Maxamed guudcade AFhayeenka Beelaha Reer Nuur

8.     Xamse Sh. Cumar

9.     Xasan Xaashi Muxumed

10.    Abubakar Ahmed Yuusuf

11.    Maxamed Aw Ciise Tukaale

12.    Daahir Cabdi Suldaan