Guddiga Fulinta ee Xisbiga UCID Shir degdeg ah oo ay maanta isugu yimaadeen Xarunta Xisbiga Waxay ka soo saareen warsaxaafadeedkan hoos ku qoran.
Ka dib markii aanu aragnay akhrinayna maqaalka cinwaankiisu ahaa xageebaynu joognaa ee uu qoray Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ee lagu baahiyay jaraa’idka iyo Website-yada markii ay ka doodeen, falaqeeyeena nuxurka uu xambaarsanyahay qoraalkaas, waxay isla qaateen qodobadan soo socda :-
Qaraalkaas iyo nuxurkiisku ma’aha go’aan Xisbiga ka soo baxay ee waa afkaar u gaar ah Gudoomiye Faysal.
2. Qoraalkani waxa uu soo baxay wakhti aan ku haboonayn oo loo dabaal-degayey 20-tan guuradii gooni isu taaga Somaliland, hal ku dhagna looga dhigay Somaliland ha la ictiraafo iyadoo la isku duubanyahay.
Qodobka kala saarida Gudoomiyaha iyo Musharaxa Xisbiga waa talo gudoomiyuhu soo jeediyey hasa yeeshe Xisbiga ayey u taalaa.
Allaa Mahad Leh
Md Xasan Xuseen Maxamed (Codyare )
Kusimaha Gudoomiyaha Xisbiga UCID
Ahna Afahayeenka Xisbiga UCID


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Xisbiga UCID Oo Markii U Horeeyay Daadifeey Hadal Ka Soo Yeedhay Guddoomiyahooda "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback