Boorama-(Lug)-Xubin ka tirsan masuulyiinta ururka haweenka qaranka G/Awdal ayaa dadweynaha reer Awdal iyo xukuumadda gobolkaba uga mahadcelisay sidii ay uga jawaabeen baaqii madaxweynaha , una qaddariyeen xuska maalinta qarannimada Somaliland ee 18kii May, isla markaana qurbajoogga reer Awdal ku wargelisay inay sugaan jawaabta xukuumadda ee ay u gudbiyeen madaxweynaha , iyadoo dhinaca kalena xukuumadda Axmed Siilaanyo xusuusisay sidii madaxweynihii hore ee dalku u tixgelin jiray Bariga Somaliland, looguna baahan yahay in sidoo kale uu u tixgeliyo Galbeedka dalka .
Kawsar Ibraahim Rijaal ,ahna guddoomiye kuxigeenka ururka haweenka qaranka ee gobolka Awdal ayaa war ay saxaafadda usoo gubisay ku tidhi “Anigoo ka ka mid ah hoggaanka sare ee ururka haweenka qaranka ee G/Awdal, waxaan marka hore salaan u dirayaa madaxweynaha Axmed Siilaanyo, ku xigeenkiisa C/Raxmaan Saylici iyo Marwooyinkooda, Amina Weris iyo Raxma Xaaji Muxumed, anigoo ugu hambalyeynaya doorkii ay ka qaateen xuska maalinta qarannimada dalka ee 18kii May.
Waxa kale oo aan salaan iyo haambalyo u dirayaa muwaadiniinta reer Somaliland guud ahaan, gaar ahaanna dadweynaha reer Awdal kuwaasoo muujiyey shucuurtooda waddanimimo maalintaasi. Intaas kaddib waxaan waxa xuskani doorkan xambaarsanaa laba arrimood oo muhiim ah oo kala ah jawaabta baaqii madaxweynaha iyo tan labaad oo ah sida muwaadiniinmta reer Somaliland caalamka u tuseen dareeenkooda iyo qarannimadoo.
Gobolka Awdal oo isaga xuska maantu ahaa mid ka duwan kana baaxadweyn kuwii hore loo arki jiray , taasoo ay kaga turjumayeen sida reer Awdal ugu faanikaraan inay dawladnimada soom gudbiyeen madaxweynaha dalka, lagana sugayo jawaabtooda inkastoo xukuumadda cusubi muddo yar haysay xukunka dalka, madaxweynaha iyo kuxigeenkiisuna ku hawlanaayeen dhismaha burburka dhaqaale ee ay ka dhaxashay xukuumaddii hore iyo fulinta ballanqaadyadii ay doorashada ku gashay, waxaan aaminsanahay in codsiyada dadweynaha gobolka la yaraysan doonin, wakhtiga ugu habboonna jawaabtu iman doonto anigoo xusuusinaya madaxweynaha in buslahada reer Awdal ku dulmanaayeen xukuumaddii Daahir Rayaale oo xoogga saari jirtay Bariga dalka marka loo eego xxilalka iyo mansabyada xukuumadda sare, adeegyada bulshada iyo horumarkaba, anigoo ku rajoweyn in madaxweynuhu dhegeysan doono codsiyadaasi .
Markaan ka hadlo dhinaca qurbajoogga reer Awdal, waxAan leehaya walaalayaal dalku horumarbuu doonyayaa, gobolkuna dhisme ayuu doonayaa loomana baahnaa inaan ku kala tegno arrimo siyaasadeed oo aAn dan u ahayn dadkeenna gudaha .
Waan ogahay inay ololihiinnu ka dhashay tabashooyinka gudaha, balse aad ku talaxtegteen anigoo og inaad doonaysaan xaqa xukuumadda nagaga maqan laakiin aan arrinmtaasi ku dhammaysanno midnimo iyo waddaninimo, aanan kala saarro tabshooyinka ama mucaardnimada iyo qarandumisnimo keeni karta xasiloonidarro iyo nabadgelyo la’aan, isla markaana usoo jeesataan waxqabsiga iyo maalgashiga dalkiinna ama gobolkiinaba .”
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.Ibraahim-(Hyena)
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Xubin Ka Tirsan Hoggaanka Ururka Haween -ka Awdal Oo 18kii May Uga Mahadcelisay Dadweynaha Gobolka , Talooyinna U Jeedisay Qurbajoogga Iyo Masuuliyiinta Xukuumadda "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback