borama.jpgBoorama-(Lug)-Badhasaab kuxigeenka G/Awdsal Cabdi Nuur Sugaal ayaa maanta dhagax dhigay  isbitaal loogu talo galay  dadka qaba xanuunada dhimirka ama waalida .

Munaasabadda dhagaxcdhigga isbitaalka oo ay kasoo qaybgaleen maayar xigeenka  Borama Muumin Gadiid, isuduwaha wasaaradda caafimaadka gobolka, madaxa ururka maxalliga ah ee loo yaqaan DUGSI, dhakhaatir,  wakiil ka socday jaaliyadda reer Awdal ee dalka Norway iyo  qaar ka mid ah salaadiinta G/Awdal .

Ugu horreyn waxa halkaasi ka hadlay C/risaaq ibraahim Isaaq, kana mid ah  dhakhaatiirta reer Awdal ee ka shaqeeya isbitaalada  dhimirka  ee dalka, isla markaana ku hadlayey magaca qoyska ku deeqay dhulka laga dhisi doono isbitaalkaasi ayaa  sheegay inay  waa hore goobtan u hibeeyeen uguna deeqeen dadka dhimirka wax ka qaba ee ku nool magaalada  si loogu daaweeyo  looguna daryeelo, sidaa darteedna ay isaga iyo qoyskooduba  mar kale sii  xaqiijinayaan in dhulkaasi yahay mid ay dar ilaahay u bixiyeen , isagoo intaa ku daray in muwaadinka Maxamed Xasan Subagle isna dhul intaa le’eg oo 3omx30m ugu tabaruceen  ama ugu deeqeen dadkaasi dhimirka wax ka qaba in lagu daaweeyo.

Isuduwaha wasaaradda caafimaadka e G/awdal Dr.C/raxmaan Jaamac Hadi  ayaa muwaadiniinta dhulka ku deeqday ku ammaanay  naxariista ay u muujiyeen dadka walaalahooda ee suuqyada gaafwareegaya inay siiyaan meel lagu daaweeyo laguna daryeelo, maalin maalmaha ka mid ahna dadkaasi noqdaan kuwa la mid ah dadkeenna caadiga, isagoo isuduwuhu intaa raaciyey inuu ka  wasaarad ahaan dhiirrigelinyo dhismaha isbitaalkaasi wixii itaalkooda ahna  ay xag gobol iyo xag dawladeedba kala shaqayn doonaan  hirglintiisa. isagoo dhinaca kalena isuduwuhu sheegay in durba qaar ka mid ah ururada iyo jaaliyadaha reer Awdal ee dalka  Denmark  dhiirrigelin ka heleyaan, gaar ahaan ururkii hore loogu yaqaannay Gargaar  ee taakulada badan ka geystay isbitaalka Boorama sannadihii aan soo dhaafnay .

Maxamed Xuseen Cige, kana mid ah guddiga dadweynaha caafimaadka ee gobolka Awdal oo isna halkaasi ka hadlay  ayaa sheegay inuu isagu yahay masuul ka tirsan shirkadaha Laydhka Boorama, gaar ahaanna shirkadda  Aloog electricity, sidaa darteedna wax kastoo dedaal  loogu samaynayo isbitaalkaasi dhismihiisa  ay kala qayb qaadan doonaan hirgelintiisa .

Xasan Halas kana mid ah aqoonyahanada kasoo jeeda G/Awdal  oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu wakiil ka yahay  ururka maxalliga ah ee loo yaqaan Dugsi, islamarkaana  ka shaqeeya dhismayaasha iyo daryeelka isbitaalada dhimirka ee  Somaliland, isagoo masuulkaasi intaa ku daray inay gobolada dalka qaarkood ka aasaaseen isbitaalada dhimirka, qaarkoodna  shaqeeyaan balse maanta ay Boorama ka aasaasayaan loona baahan yahay in lagala qaybqaato hirgelintiisa si loo helo  ummad  ka fayow dhinaca maskaxda, ilaahyna innoogu  naxariisanayo taakuleyntooda .

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar kana mid ah salaadiinta caanka ah ee g/Awdal ayaa sheegay in wanaag kastoo lagu dedaalaa  cidda ka dambaysa ilaahay ka siiyo ajar iyo xasanaad, dadkuna ku xusuustaan sidaa darteedna  uu u mahadcelinayo cid kastoo  isku  xilqaantay hawshan loogu gargaarayo dadkeenn maskaxda wax uga dhiman yihiin, kuna soo biiraan   qoysaskoodii, isagoo dhinaca kalena suldaanku ammaan u jeediyey qoysaska ku deeqay dhulka laga dhisi doono isbitaalkaasi .

Maayar xigeenka Boorama Muumin Gadiid oo isna munaasabadda dhagaxdhigga ka hadlay ayaa sheegay  in isbitaaladan noocan oo kala  ah wakhtigan yihiin ku aad loogu baahan yahay maadaama bulshadeennu kusoo wareertay dagaallo iyo waxyaalaha qaadku ka mid yahay, shaqo la’aanta iyo welwelka noloshu ka mid yihiin.

Ugu dambayntiina waxa goobtaasi oo ku taalla galbeedka magaalada Boorama dhagaxa dhigay badhasaab xigeenka gobolka Awdal  Cabdi Nuur Sugaal, hadallo uu halkaa ka jeedinayey ugu duceeyey in cid kastoo ku hawllan ama ka hawlgashay  dhismaha isbitaalkan  Ilaahay Ajar iyo xasanaad ka siiyo , dhinaca dawladda gobolkana ay wax kala qaban doonaan  .

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.Ibraahim-(Hyena)
Lughayanews-Boorama