Boorama-(Lug)-Urur ka mid ah ururada samafalka ee ka hawlgala Boorama iyo qaar ka mid ah dalalka yurub ayaa deeq raashin maanta gaadhsiiyey bukaanka jiifa isbitaalka Guud ee Boorama .
Ururka DUGSI, isla markaana qaabilsan dhismaha iyo daryeelka dadka qaba xanuunada dhimirka ee gobolada dalka ayaa munaasabad kooban oo lagu qabtay Isbitaalka Guud ee Borama maamulka isbitaalka Guud ku wareejiyey deeq raashin ah oo iskugu jirtay saliid, sonkor iyo bariis taasoo sida la sheegay qayba ka ah dedaal ururkaasi doonayo inuu caawiyo isbitaalada.
Sidoo kale ururka ayaa deeq timir ah gaadhsiiyey goob ama guri lagu xanaaneeyo dadka dhimirka kuna yaal magaalada dhexdeeda, Madaxa URURKAASI DUGSI ee dalka Xasan Halas oo munaasabadda wareejinta deeqdaasi ka hadlay ayaa sheegay indeeqdani tahay tii ugu yarayd ee ugu horreysay ee u fidiyaan bukaanka isbitaalka, hase yeeshee ay ku dedaali doonaan sidii ay wax buuran ugu caawin lahaayeen mustaqbalka.
Isuduwaha caafimaadka ee gobolka C/raxmaan Jaamac Haddi oo ina halkaasi ka hadlay ayaa isna halkaasi ka sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sida ururkaasi u xusuustay dadka jiifa isbitaalka iyo kuwa dhimirka ee uu haatan hawlihiisa ka wado Boorama, isla markaana dhagaxa dhigay isbitaalka dhimirka ee Boorama laga dhisi doono .
Maxamed Xuseen Cige kana mid guddiga caafimaadka Gobolka Awdal oo isna halkaasi ka hadlay ayaa isagu si gaar ah farta ugu fiicay dayaca ka muuqda meesha wax loogu kariyo bukaanka isbitaalkaasi , sidaa darteedna ay isaga iyo saaxibadiisa debedda iyo guduhuba ku dedaali doonaan sidii dib loogu dhisi lahaa kijinka isbitaalka Guud ee Boorama .
Ururkla Dugsi ayaa isagu ah urur maxalli oo laga aasaasay dalka Holland haatanna ka hawlgala dalka gudihiisa .
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.Ibraahim-(Hyena)
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Urur Samafal Ah Oo Deeq Raashin Ah Gaadhsiiyey Bukaanka Isbitaalka Guud Ee Boorama "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback