yemen.jpgSanca-(Lug)-Dagaalo aan waxba la iskula hadhin  ayaa  ka socda magaalada Sanca ee xarunta dalka Yemen dagaaladaaso u dhexeeya ciidamada dawlada iyo ciidamo taabcasan sheekha qabiilka  Alxaashidi layiraahdo Sheekh Saadiq  Sheekh Cabdallah Al Axmar, dagaalada oo galay maalintii labaad ayaa sida wararka Lughayanews ay helayso ay sheegayaan  waxa ay ka socdaan guriga uu deggan yahay Sheekha Qabiilka Alxaashidi Sheekh Saadiq kaasoo ku yaala degmada Xasaba ee caasimada Sanca
 
Wararka ka imanaya  magalaada Sanca ayaa sheegaya in dhimashada soo kala gaadhay labada dhinac ee dagaalamaya ay  aad u badan tahay, waxana jira xaafado ay ciidamada dawladu kusoo rideen madaafiic kuwaasoo kudhaw guriga Sheekh Saadiq waxayna sheegeen ciidamada dawladu  inay doonayaan xoog kusoo qabtaan Sheekha Qabilka Al Xaashidi iyo taageerayaashiisa  dhanka kale ee ciidamada qabiilkuna waxay sheegeen inay  iska caabiyeen weeraro maalintii labaad lagu hayo guriga sheekhooda  waxayna intaa ku dareen inay go,odoomiyeen qaar ka tirsan ciidamada dawlada iyagoo ku adkaystay inay daafacayaan  una dhimanayaan sheekha qabiilka oo ay aad u tixgaliyaan
 
Dagaaladan ayaa ka dambeeyay kadib khilaaf soo jiitamayay oo udhexeeyay sheekha qabiilka Alxaashidi Sheekh Saadiq Al-axmar iyo madaxwayne Saalax oo ay isku qabiil yihiin kaasoo ku saabsanaa sii haynta uu ku adkaystay Madaxwayne Saalax madaxtinimada dalka oo uu doonaayo inuu ka dego sanadka 2013-ka halka Sheekh Saadiq uu isagu codsanayo inuu xukunka si degdeg ah uga dego iyadoo la ilaalinayo codsiga ay soo jeedinayaan dibadbaxayaasha kusugan meedaanka wayn ee  layiraahdo saaxatu Taqyiir
 
Sheekh Saadiq  Al Axmar oo aabihii Sheekh Cabdallah Xuseen Al Axmar  uu ahaa guddoomiyihii golaha baarlamaanka  ayaa jagada sheekhnimo   kadhaxlay  wuxuuna  inbadan kasoo horjeeday siyaasada iyo xukunka Cali Cabdallah Salaax ee 33 sano hayay talada dalka Yemen isagoo ku eedeeyay maamul xumo wuxuuna kadigaya indalka uu faraha lagalo dagaalo sokeeye
 
Dagaalka ayaa saamayn xoogleh gaadhsiiyay dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee degmada Xasaba waxana xidhmay dukaamadi, makhaayadihii iyo  jidka kaliya ee loo maro gegida dayuuradaha caalimaga ah magaalada Sanca, wararka qaar ayaa sheegaya in diyaardaha si ku meel gaadh ah looga joojiyay duulimaadyadii iyo safaradii uga soo degayeen iyo kuwii ay uga baxayeenba, baaqyo heer degmo iyo heer caalami taasoo lagu doonayo in la soo afjaro, mana jirto wax  isku tanaasul ah oo ilaa hada labada dhinac muujiyeen
 

Wariye:-
Cilmi Yuusuf Caddaawe
Lughaya.news