Waxaa Maalintii Shalay Ahay ka dhacday Madasha Cilmiga Iyo Caqliga Tartan Saxaafadeed Ay ka soo qayb galeen Dhalinyaro wax ka barata Machadka Saxaafada Ee Sh/Mahdi Iyo Qaar ka mid Ah Suxufiyiin U tartamayay Si Madaxbanaan.
Tartan Saxaafadeedkan ayaa Waxaa soo agaasimay Ururka Ama Madasha Cilmiga iyo Caqliga, waxaana tartan looo qabtay Saddex Qof oo ka kala socday Sh/Mahdi Centre Iyo Hal qof oo Madaxbanaana, Kuwaas oo magacyadoodu kala ahaayeen, Hodan Abokor Xasan Caafi, Iyo C/raxmaan Xuseen Hufane oo ka kala socday Machadka Sh/mahdi, Maxamed C/raxmaan oo u tartamayay Si madaxbanaan.
Tartanka saxaafadeedkan ayaa waxaa Su’aalaha Tartamayaasha Waydiinayay Wariye Xasan Ciise Raage, Waxaana Qiimaynayay Wariye Jaabir Ali Omer, Iyo Wariye Yuusuf Cabdi Cali (Indho Qurux) Kuwaas oo ka kala socday Wakaaladaha Wararka Ee, Lughaya, Salalnews, Iyo Boramanews, waxa uuna tartankani ku dhamaaday Jawi Farxad leh, halkaas oo ay guushu ku raacday Ardaygii Sida madaxa banaan u tartamayay oo magaciisa la yidhaahdo, Maxamed C/raxmaan Ismaaciil, waxaana kaalinta Labaad Soo Gashay, Hodan Abokor Xasan Caafi ,taas oo ka socotay Machadka Barashada Saxaafada Ee Sh/Mahdi Senter, Kaalinta Saddexaadna Waxaa soo Galay, Arday Isna ka socday Machadka Barashada Saxaafada Ee Sh/Mahdi Sentre.
Ugu danbayn waxaa hadalo ka soo jeediyay Mahadnaq iyo Guubaabo u badnaa Gudoomiyaha Madashan Cilmiga Iyo Caqliga Maxamed Cumar Iyo Ayaalne Eng:Axmed Yaasiin waxa ayna sheegeen in aad ugu mahadnaqayaan ka soo qayb galayaasha Kuwa Gaarka ah iyo Machadkan caalamiga ah ee lagu barto Saxaafada kaas oo ay sheeegeen Sh/Mahdi Senter, waxa kale oo ay halkaas ka dhawaaqeen in ay abaal marino siin doonaa Saddexdan Qof ee ku guulaysatay Kaalmaha Koowaas Ilaa Seddexaad una qaban doonaan Xaflad Balaadhan, taas oo ay sheegeen in ay yihiin Ardaydii ugu horeysay ee Wixii ay barteen Tartan ku galay.
Si kastaba ha ahaatee Madashan Cilmiga iyo Caqliga oo ay aasaaseen Dhalinyaro wax ka barata Jaamacaddaha Dalka Iyo Kuwa dhameeyayba , ayaa waxa ay had iyo jeeraale isku daydaa Sidii ay da’yarta aqoonta kala duwan barata ay u heli lahaayeen Meel ay cilmiga ay barteen ku soo bandhig lahaayeen, taas oo Run Ahaantii la odhan karo waxa ay ku talaabsadeen Tub loo baahnaa in horey loo bilaabo.”
Xigasho Boramanews


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Bandhiga Cilmiga Iyo Caqliga Oo Soo Agaasimay Tartan Saxaafadeed Ay Ka Soo Qayb Galeen Ardayda Saxaafada Ka Barata Magaalada Borama "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback