Boorama-(Lug)-Isbeddel siyaasadeed oo ka dhacay dal dimuqraadi ah sida Somaliland ayaa la yimaadda dareenno kala duwan oo ku salaysan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, siyaasiiinta iyo dadweynahaba kuwaasoo inta badan isbeddelka dhacay u muujiya jacayl, nacayb , cadaawad iyo dhexdhexaadnimo .
Sidoo kale ayaa marka maamul dal ama dawlad ahaa si dimuqraadi ah lagaga wareejiyo xukunka ay hayeen siyaasiyiintii xukunka laga wareejiyey u kala baxaan kuwa shacbigu ku sifooba sidii shacbigu u arki jiray iyo kuwa aan lasoo baxa sifo kale oo ka duwan markii ay xukunka hayeen .
Siyaasiyiinta Somaliland, kana tirsanayd xukuumaddii Rayaale ee talada dalka lagala waraagtay ayaa waxa ka mid ahaa wasiirkii hore ee hawlaha Guud Siciid Sulub.
Cid kastoo Somaliland joogtay tobankii sannadood ee ugu dambaysay ama la socotay siyaasadda dalku way taqaannaa siciid Sulub, ahaanna wasiirkii hawlaha guud iyo guriyeynta wakhtigii Rayaale maantana dalka wuu joogaa weli ee kama tegin sida ay uga tegeen badi saaxiibadiisii ay ka wada tirsanaayeen dawladdii UDUB .
Markaan Dib ugu noqonno taariikhdiisa maamulkii uu ka tirsanaa, waxa lagu tirin jiray wasiirda hagi jiray siyaasaddii xisbiga UDUB kusoo dhaqayey dalka, waxana uu ahaa ama ka mid ahaa raggii ugu dhadhawaa taliskii UDUB, isla markaana aadka ugu dhuundaloolay gudaha siyaasadda madaxtooyadii wagaa, isagoo dhinaca kalena lagu xaman jiray ama lagu caddayn jirayba inuu ahaa siyaasi hayey xil ka weyn mansabka hawlaha guud ee loo magacaabay .
Siciid sulub waxaan bartay wakhti aan ku jiray saxaafadda madaxa bannaan ee Hargeysa kasoo bada 2006dii, wakhtigaasoo Siciid Sulub lagu soo daray waraysi ku saabsansaa musuqmaasuqa ka dhacayey madaxtooyadii hore, isla markaana wasiirka lagu sheegay inuu ka dambeeyey xaraashka gaadiid yaryar oo madaxtooyadu lahayd balse ka diiwaangashanaa wasaaraddiisa .
Sax iyo qaladba midkuu doono ha ahaado warkaasiye Siciid Sulub waxa uu ka hadhi waayey gaadiidkaa lagu sheegay inuu xaraashay , waxanu isla markaaba istimaalay awood xabsiga Hargeysa loogu diray suxufiyiin iyo masuuliyiin ka tirsanayd saxaafadda .
Tan iyo waagaa waxa maalin kasta soo baxayey falal kale oo lagu eedeyn jiray wasiirkaa hore, kuwaasoo hadalhayntooda laga soo gudbay halkanna aanaan kusoo qaadayn, Waxa kale oo siciid sulub mucaaradkii waagaasi ku eedeyn jireen ninka ugu af xun, isla markaana ugu hanjabaadaha badan dhinacooda, ha diyo jeerna ugu xaalad abuursanaa .
Hase yeeshee maantoo toban bilood kudhawaad kasoo wareegtay markii xilka uu weareejiyey Siciid Sulub , ilaa wakhtigaasina aanu ka muuqan dhinaca siyaasadda ayaa maalin dhaweyd Siciid Sulub kasoo baxay mid ka mid ah TV-yada madaxa bannaan ee ka hawlgala Hargeysa, wakhtigaasoo uu Siciid Sulub ka hadlayey arrimaha dalka, siyaasaddiisa, dhaqaalihiisa iyo arrimo kale ayaan u qaadan waayey in siyaasiga hadlayaa yahay Siciid Sulub iyo inuu yahay mid u eg oo muuqaalkiisa leh, waxan sii dhegeystayba waraysiyada laga qaadayey jawaabahooda, waxaan mar kale kasii shakiyey hadalada la maqlaayaa inay yihiin kuwii Siciid Sulub iyo inay yihiin kuwa kale, sidaa darteednna anigoon indhawaaleba wakhi u helin dhegeysiga waraysiyada dhaadheer ee Tvyada ka baxa, ayaa sii dhegeystay waraysiga siyaasigaasi caanka ahaa waakhtigii UDUB .
Markaan u dhabbo galay hadalada waddaninimada leh ee uu ku hadlayey Siciid Sulub ayaan dib u xusuustay hadaladii uu saxaafadda siin jirey wakhtigii uu xilka hayey , waxaan ogaaday inay yihiin kuwa aad u kala fog, isla markaana kala leh dhadhan siyaasadeed oo kala duwan eegga iyo wakhtii uu xilka hayey .
Inkastoonan ogeyn wax u qarsoon, waxa isku kay qaban waayay sida saraaxadda leh ee waddaninimadu ku jirtay ee uu siyaasigaasi u hadlayey maanta oo aanu xil hayn, lagana filayey inay sii korodho cadhada uu Siilaanyo xukuumadda cusub u qabaayi, ayaan ogaaday in dad badan ama siyaasiyiin badan oo ka tirsasnayd xukuumaddii hore aanay ahayn siyaasiyiin danaystayaal ah, balse ay ahaayeen kuwa amar ku shaqayn jiray .
Inkastoonan ogeyn in Siciid Sulub ka tirsanaa jiray ciidamada hase yeeshee marka uu fulinayo amarada madaxweynmihii hore, waxaad is odhanaysay siyaasigaasi ama wasiirkaasi ma ahayn nin u dhashay dalka, dadka iyo dalkana lexejeclo ka leh, maadaama amarada uu fulinayey ahaayeen kuwa dhabarjab ku ahaa dawladdii uu ka tirsanaa iyo dadweynahaba, hase yeshee sida maanta uu u hadlay wasiirkaasi hore ayaa ah mid mudan in dib loo eego siyaasadaha ay ku shaqayn jireen masuuliyiintii xilka wareejisay .
Waxan hadaldiisii kasii xusuustaa talooyin uu usoo jeediyey xukuumadda cusub, inaanu jeclayn kursi la isku dilo, inaanu jirin mucaarad xoog leh oo maanta waxyeeli kara xukuumadda cusub, waxa uu dhaliilay baarlamaanka kuna tilmaamay kuwa agfadhiya madaxweynaha balse aan la xisaatamin, wax kale oo u ka hadlay inaanu xumaan u hayan xukuumadda cusub maadaama uu waagii hore ahaa cadowga koowaad ee xisbiga Kulmiye, waxana dadweynaha usoo jeediyey talooyin ku salaysan midnimo .
Sidaa ayey u kala duwan yihiin siyaasaddii hore ee Siciid Sulub wakhtigii uu xilka hayey iyo maanta oo uu ka mid yahay siyaasiyiinta UDUB, waxana uu arrintaasi kaga duwan yahay qaar ka mid ah wasiiradii hore iyo masuuliyiintii hopre oo uu madaxweyne kuxigeenkii hore ka mid yahay oo haatan ay kasoo baxayaan hadallo aanay odhan jirin wakhtigii ay xilka hayeen, maantana iska dhigaya kuwa hormood ka ah mucaaradka xukuumadda cusub.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.Ibraahim-(Hyena)
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Maxay Ku Kala Duwan Yihiin Hadaladii Siciid Sulub Ee Dawladdii Hore Iyo Maanta? "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback