Maansadan gaaban oo ku saabsan qiimaha 18 May u leedahay dadweynaha Somaliland ayaa waxa tiriyey xildhibeen ka tirsan Golaha deeganka Boorama Muumin Gadiid Cumar,
waana tii ugu horreysay ee muwaadin reer Boorama ahi u tiriyo maalintaasi .
18Ka may waa maalintii
Xaqii muddo naga maqnaa
Mawluhu noosoo ceshee.
18ka MAY waa maalintii
Xorroyadii la moosay
Aan mar kale hananayee
Midigta noosoo gashee
Mugdigii aan kaga baxnee
Dunida ka mid noqonayee
Ilaahay ku mahadinee.
18ka May waa maalintii
Dhammaan miyi iyo magaalo
Midnimno lagu hawlgalee
Mashxarad lagu wada tumee.
18ka May waa maalintii
Maqaamkii dawladnimo
Maqaamkiisii helee
Magaca Somaliland
Adduunyada wada maree
Maqsuud lagu wada noqdee.
18ka May waa maalintii
Inay muqaddas tahay
Iyada muran kuma jiree
Maamulkii la doorta iyo
Waxan madaxweynaha ku idhi
Maandeeq wa taa dhashee
Caddaalad ku maamuloo
Mujtamacu hakuu sinnaado
Midnimadana adkee
Macbuudku hakula jiree
Adduunkana midbaan ku idhi
Waxaan mudannahay een geyno
Yaan nalakala masuugin
Waxan maalmahana sugnaa
Aqoonsi mudh soo yidhaa
Iyo majliskoon fadhiisannaa
Muumin Gadiid Cumar
Gudoomiye ku xigeenka Golaha degaanka Degmada Boorama



Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " SUUGAAN : 18-Ka MAY Waa Maalintee? "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback