
Diirada-(Lug)-Maalmahan u dambeeyay waxa caado u noqotay talifishanada ay xaruntoodu tahay magaalada Hargaysa ee ay ka mid yihiin SLNTV iyo HCTV inay si xidhiidh ah u baahinayaan waraysiyo iyo taariikh kale oo laga soo xigtay ashqaas tilmaantay inay ku abtirsadaan jabhadii SNM isla markaana qayb ka qaateen xasuuqyadii kala duwanaa ee dalka ka dhacay mudooyinkii sideetameeyadii iyo sagaashameeyadii.
Barnaamijyadan oo si toos ah loogala socday dalka gudihiisa iyo dibadiisaba waxa ay dad badan dib u xasuusiyeen taariikhda somaliland ee aan laga midaysnayn, barnaamijyadaasi waxa ay dadka ku abtirsada gobolada dhexe ee somaliland u ahaayeen kuwo dib u baraya da’yartooda taariikhda ay u yaqaanan taariikhdii halganka iyo xoraynta tani waxa si toos ah uga soo horjeeda oo iyaguna ay dadka ku abtirsada gobolada cidhifyada ee somaliland u arkayeen in ay barnaamijyadani yihiin kuwo dib uga dhiijinaya boogaha aan wali sida dhabta ah u dhaymin ee dadka reer somaliland ka soo gaadhay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay mudooyinkaasi aan sare kus oo xusay.
Iyada oo uu is maandhaafkaasi cirka isku sii shareerayo ayaa waxa ay tahay dhaliisha ugu badan cida dusha looga tuurayaa masuuliyiinta talifishanadaas oo lagu tilmaamay inay iyagu yihiin kuwo maanta dib u hurinayo dhimbiilo dab ah wax wayn yeeli kara nabad kuw ada noolaashaha umadaha wada dagan dalka. Tusaale ahaan waxa si wayn loola yaaban yahay sababta keentay in TV-ga Qaranka Somaliland ee magaciisa loo soo gaabiyo SLNTV uu noqday mid xeerin waaya xilka balaadhan ee uu u hayo umada reer somaliland meelkasta oo ay wada joogtaba maadaama uu yahay TV-gii qaranka isla markaana uu si indho la’aan ah ugu dayday Tv-yo gaar loo leeyahay oo uu ka mid yahay HCTV oo dad badano oo beelaha ku nool cidhifyada somaliland ay u arkaan in loo aasaasay ilaalinta dano gaar ah oo ay cid gaar ahi leedahay.
Marka aan dib ugu laabano saamaynta iyo iyo dareenada ka dhashay barnaamijyadaasi ayaa waxa ka mid ah in dadka reer Boorama qaar badan oo ka mid ahi ay si muuqata gudo iyo dibadba u tibaaxaan inay dib u soo gocdeen waayahii xanuunka badnaa iyo xaqdaradii ay ku waayeen waalal, gabdho, aabayaal, hooyooyin, abtiyaal iyo adeero ay aad u jeclaayeen oo ay si badheedh ah u xaquuqeen jabhadii SNM intii u dhaxaysay 4Feb 1991 ilaa 28 Feb 1991, waqtigaas oo ay qawlaysatadii SNM xoog ku qabsadeen magaalada Boorama isla markaana ay ka gaysteen xasuuq, boob, bililiqo, kufsi iyo dilal wadareed loo gaystay reer Boorama, dhacdooyinkaas oo ah ilaa maanta kuwo aan la iloobin isla markaana ay dhibanayaasha ku nool qurbaha ee dhacdoooyinkan ku waayay intii ay jeclaayeen ay diyaarinayaan dacwado xadgudub xuquuqda aadamaha ah oo maalin maalmaha ka mid ah ay Maxkamada caalamiga ah ee Huge ku soo oogi doonto shaqsiyaad caan ah oo reer Somaliland ah hadii Alle idmo.
Dhinaca kale waxa hubaal ah in ay barnaamijyadaasi si qoto dheer u daah fureen in taariiqda looyaqaan halganka SNM ee somaliland ay tahay mid aan la isku waafaqsanayn isla markaana uu muran badani ku jiro waxa loo yaqaan Mujaahid iyo halgamaa.. waxana ay tani ku tusaysaa in shaqsiga badhtamahasomaliland looga yaqaan mujaahid uu cidhifyada somaliland ka yahay gacan ku dhiigle. hadii xaalku saas yahayna waxa ay taariikhdaasi mugdiga ah ee aan laga midaysnayn hadalhaynteedu ay tahay hadh labadiisa galin isla markaana ay hadii sidaas ay ku sii wadaan telifishanada haygaysa ka hawl galaa ay horseedi doonto in ay somaliland dib u gasho dib u heshiisiin mudo dheer qaadata oo loo sameeyo jiilka soo koraya oo ay masuul ka yihiin SLNTV iyo HCTV taariiqda mugdiga ah ee buunbuunsan ee aybarayaan da’ayarta.
Si kasta oo ay ahaataba waa arin u taal xukuumada Kulmiye ee talada haysa inay kala doorato arimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin inay noqoto xukuumad aan umada sii kala kaxayn isla markaan a talaabo waaqici ah ka qaada telefishanadaas si loo dhaqo nabarada ay ka dhiijiyeen markii ay baahiyeen taariiqda mugdiga ah ee SNM. arinta kalena waxa ay tahay in ay xukuumadu cadaysato inay raali ka tahay baahinta barnaamijyadaas isla markaana ay mar kale la soo baxdo kaararkii ay HALGANKA ee ay masuuliyiinteedu ku hadaaqi jireen waqtigii ay mucaaridka ahaayeen isla markaana ay noqdaan kuwo iyaga oo og aanan waxaba ka qaban cuqdada iyo naxliga aadka u fog ee beelaha dalka soo kala dhex galay.
HCTV iyo SLNTV-na waxa ay diirada fogaan araga ee Lughayanews dib u xusuusinaysaa inay barnaamijyada ay baahinayaan ku soo celiyaan dhabadii dhexdhexaadnimada isla markaana ka waantoobaan barnaamijyada halka dhinac ah oo ay khibradooda suxufinimo ku darsadaan inay cagta hoosteeda ka soo saaraan xogta dhabta ah ee dhinacii kale ee waayahii dagaalada si ay daawadayaashooda isirada kala duwan ahi noqdaan kuwo iska dhex arka muuqaalka Telefishanadaasi.
Diirada-Lughayanews


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Diirada Lughayanews-Maxay Yihiin Barnaa-mijyada SNM Ee Ka Socda SLNTV Iyo HCTV Iyo Taariiqda Labada Dhinac Ah Ee Ay Xambaarsan Yihiin "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback