Faalo(Lug)-Wariyayaasha Shabakada Lugahayanews ee ku sugnaa magaalada Garbodadar intii ay ka socotay hawsha dhexdhexaadinta beelaha deg. Lughaya waxa aad u soo jiidatay furfurnaanta dadka reer Garbodadar iyo soo dhawayntooda diiran ee aan kala sooca lahayn, waana midaas ayay yidhaahdeen wariyayaashu mida salka u noqotay in dad aad u tiro badan oo isugu jira masuuliyiin, odayaal, dhalinyarto iyo suxufiyiinba ay magaalada ku sugnaadaan mudadii ay hawshu socotay.

Cimiladu waqti xaadirkan waa mid aad u kulul hadana dadka reer Garodadar marnaba kama ay caajisin inay si marti soornimo leh ula macaamilaan dadka ku sugan magaalada ee martida ah. Geed walba oo ku yaala Garbodadar waxa hoostiisa lagu goglay caw fadhi fiican waxana iyada oo ay helitaanka biyuhu adagtahay hadana ay reer Garbo dadar geedaha hoostooda ku rusheeyeen biyo badan oo ay ku qaboojinayaan carada ay cadceedu kululaysay si ay martigu ugu nagaato.

Maalintii dadku geedaha hoostooda ayay hadhsadaan si looga gabado milica kulul balse waxa jiray dhalinyaro wiilal iyo gabdhoba isugu jira oo si xushmad leh ugu adeegayay martida iyo xeer beegtida kale, waxana ay dhalintaasi ahaayeen kuwo hawshii ay hayeen ay wariyayaasha shabakada iyo masuuliyiin kaleba ku tilmameen inay tahay mida suurta galisay in jawigaas kulul hoostiisa arrinta garta lagu wado.

Ganacsi xoogan ayaa ka socda gudaha magaalada dhexdeeda, labada waqti waxa ay magaaladu aad u camiran tahay habeenkii oo ay magaalada soo maraan baabuurta rakaabka ah ee Djibouti u socota, waxana ay ahaayeen dadka rakaabka ahi kuwo si balaadhan magaalada iyo dadkeedaba u mahadinayay tilmaamayna inay magaca dhabta ah ee magaaladu uu yahay GARBO-RAAXO.

Duqayda reer Garbodadar waxa ay waqtiga inta ugu badan ku lumiyeen hawsha dhexdhexaadinta waxana ka dhex muuqday odayaal dhaqmeed reer Garbodadar ah oo caan ah xalinta khilaafyada,  kuwaas oo aad mararka qaar aqoonta ay u leeyihiin xeerka iyo xeerbigtinimada aad ku timaamaysay mid la mid ah mudane shahaado PHD ah ku haysa dib u heshiisiinta, gudaha guriga Martida ee ay ka socotay hawshu waxa uu ahaa mid camiran marwalba odayaashu dhulka ayay gogol dhigteen waxana dul taagnaa dhalinayro ganacyarayaal ah oo intii ii muuqatay aanan marnaba ka daalayn hawlaha loo igmado ee dhinacyada adeega, qorista xeerarka, diyaarinta gogosha martida imw.

Waxwalba oo ay tahay shaqada ay odayaasha xeerku hayaan waa la joojinayay  marka la maqlo Eedaanka salaadaha waxana si garbo siman ah loo camirayay masaajida magaalada, odayaasha hawsha wadaa waxa ii muuqatay inay hawsha-tan xigta ku bilaabayeen wayso qab iyo duco uu kolba duceeyo qofka ugu caalinsan madasha ama ugu da’da wayn. Raxmada eebe iyo aqbalka Rabi ee ducadana waxa aad ka garanaysay sida turxaan la’aanta ah ee howsha loo wajahayo.

Wariyayaashu waxa ay ku mecneeyeen guud ahaan Magaalada Garbodadar iyo dadkeeduba inay yihiin kuwa suurto galiyay in heshiis la gaadho, waxana ay intaasi daba dhigeen waa dadka reer Garbodadar kuwa kasbaday in masuuliyiinta waawayn ee madasha joogtay ay magaalada ugu yeeshaan hoygii nabada iyo xalinta qilaafaadka sokeeye.

Duruusta lama ilaawaanka ah ee ay ka soo korodhsadeen dadka reer Garbodadar ayaana ah ayay hadalka ku soo koobeen kuwo qofkasta oo mudadaas joogay gudaha magaaladaasi baray cashar muhiim ah oo nolosha qof walba anfacaya oo ay ka mid ahaayeen samirka, iskaashiga, is-adeeca, martisoorka, xeerbeegtinimada, Alle ka cabsiga, daacadnimada, daris jacaylka iyo furfurnaanda niyadsamida ah.


Lughayanews-Cheif Editor
Oslo-Norway