Boorama-(Lug)-Agaasimaha Guud ee Wasaarada Qorshaynta Qaranka iyo Hormarinta Xidhiidhka Caalamiga ah Mud. Cabdirashiid Axmed Guuleed ayaa booqasho ku jooga magaalada Boorama. Agaasimaha oo magaalada Boorama soo gaadhay shalay galinkii dambe ayaa ku micneeyay ujeedada booqashadiisa inay tahay mid la xidhiidha hawlaha shaqo ee qaranku dhawaan u igmaday.
Agaasime Cabdirashiid Sumal ayaa maanta mar uu ku sugnaa hotel Rays ee magaalada Boorama halkaasi ku qaabilay dhaliyaro iyo waayeel iyo waxgarad tiro badan oo reer Boorama ah waxana kulanadaas oo u dhacay si iska caadi ah ay dadwaynahasi kala duwan ee reer Boorama Agaasimaha eebe uga baryeen inuu ku asturo xilka loo dhiibtay isla markaana uu umada ugu shaqeeyo si ay karti iyo indheergaradnimo ku dheehan tahay.
Agaasimaha ayaa isaguna dhankiisa kala dardaarmay dhalinyaradaasi kala duwan waxana uu ku adkeeyay ilaalinta nabadgalyada iyo in loo baahan yahay in gacmaha la is qabsado waxana uu xusay in xukuumadu ay talaabooyin badan oo dhinaca wax qabadka ah hore u qaaday isla markaana diyaar u tahay inay sii kordhiso.
Agaasime Cabdirashiid Axmed Guuleed Sumal ayaa shaqsi ahaan ah nin mudo dheer ku soo dhex jiray hawlaha dhinaca Hayadaha caalamiga ah gaar haan hayada WHO waana arintaas mida ay dad badani u leeyihiin doorashada Madaxwaynaha ee Mansabka Agaasimaha Guud ee Wasaarada Qorshaynta waa mid maanta la keenay qofkii ku haboonaa.
Agaasime Cabdirashiid Sumal ayaa xilal ka soo qabtay maamulka heer gobol ee caafimaadka waxana lagu xasuusan karaa talaabooyinkii balaadhnaa ee uu ku qaaday meel marinta talaalka Polio-da isaga oo uu hadafkiisu ahaa in sanado kooban lagu arko iyada oo laga cidhib tiray gobolka Awdal cudurka Polio-da.
Agaasime Cabdirashiid Sumal ayaa sidoo kale ka mid ahaa dadkii sida wayn gacanta uga gaystay hanaqaadkii Hayada IQRA ee waxbarashada, hayadaas oo tan iyo maalintii la aasaasay ilaa maanta gacan qabatay soona saartay arday tiro badan oo wax ku bartay dhulka fogfog ee miyaga ahee Buuralayda iyo xeebaha Gobolka Awdal, iyo waliba SALAL iyo Gabilay.
Si Kastaba ahaatee Agaasimahan Cusub ayaa ah shaqiyad dadka jeclel isla markaana uu mawqifkiisu cad yahay, mara badana kaalin muuqata ka soo qaatay talaabooyinkii isbedeldoonka ahaa ee xisbiga kulmiye ee gobolka Awdal.
Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Agaasimaha W/Qorshaynta Oo Booqasho Ku Jooga Boorama Iyo Taariikhda Dhinaca Waxqabadka Ah Ee Uu Ku Leeyahay G/Awdal. "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback