(lug)- Isniintii inna dhaaftay ayaa waxa magaalada Hargaysa soo gaadhay madaxwaynihii hore ee Somali Land mudane Daahir Rayaale Kaahin oo dalka ka anbabaxay maalintii laga heley doorashadii madaxnimo ee sannadkii 2010 kii, kadib markii uu qaaday tallaabo baal dahab ah ka gashay taariikhda Somali Land ee uu xilkii si sharaf leh u dhiibay una hoggaansamay natiijooyinka guddiga doorashooyinka.
Madaxwayne Daahir Rayaale oo ay dad badani u yaqaannaan aabaha dimuqraadiyadda Somali Land oo hirgeliyay doorashadii u horraysay ee hab dimuqraadi ah loo tartamo ayaa isniintii inna dhaaftay isaga iyo taageerayaashiisiiba rasaas oodda lagaga qaaday kadib markii ay taageerayaashu damceen inay madaarka gelaan madaxwaynihii horena shandadaha la soo guraan.
Wasiirka duulista ee Somali Land Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa la sheegay inuu bixiyay isagu amarka lagu rasaaseeyay Rayaale iyo taageerayaashiisa, haseyeeshee mar danbe beeniyay warkaasi islamarkaana caddeeyey in ayna xukuumadda Kulmiye marnaba ula macaamili doonin mucaaradka UDUB sidii ay reer Udub markay dawladda hayeen u silcin jireen masuuliinta mucaaradka ah iyo taageerayaashooda, hadalkaasoo ay dadbadani u macnaysteen aar-goosi.
Si kastaba ha ahaatee xilligii ay rasaastu bilaabantay madaarka Cigaal ee Hargaysaad gudihiisa qas baa ka dhacay iyo isjiid-jiidasho, taasoo keentay inuu mudane Rayaale laftiisu kufay beerkana u dhacay haseyeeshee lama sheegin illaa imika wax dhaawac ah oo soo gaadhay.
Rayaale oo tan iyo maalintii uu yimid hab rayidnimo ah ugu nool Hargaysa oo aan wali gurigiisa ka soo bixin ayaa waxa ay wararku sheegayaan in sirdoonka Somali Land ay isha ku hayaan, iyada oo aan sobobta arrintaa keentay la garanayn.
Daahir Rayaale oo la aaminsanyahay inuu sumcad -wanaag kaga tagay Somali Land, lana rajaynayay in si sharaftiisa u qalanta loo soo dhaweeyo ayaa nasiib darro kala kulmay Hargaysa, arrintaasoo dareen qabyaaladeed galisay bulshada galbeedka Somali Land.
Dhinac kale, ilo ku dhaw-dhaw sirdoonka Somali Land ayaa sheegaya in xidhiidhka Rayaale la leeyahay Ethiopia iyo socdaallada uu Addis Ababa ugu laba noqdo ay yihiin kuwo shiki badan dhalin kara, maadaama uu yahay Daahir khabiir sirdoonka muddo badan ka soo shaqayn jiray, Illaa imikana aan lagu niyadsamaan Karin inuu siyaasadda Somali Land ka fadhiistay sida uu isagu meelo badan ka sheegay.
Sidoo kale waxa ay ilahaasi sheegayaan in Mr. Daahir laga uriyay Kacdoonka Awdal State oo ay dad badan oo reer Hargaysaaad ahi qabaan inuu isaga laftiisu daaahyo dabadood ka maamulo wixii uu kharash ku taageeri karana bixiyo. Inkasta oo uu madaxwayne Daahir yahay nin Somali Land iyo Awdal Land-ba ka gudbay oo mutaystay jago caalami ah inuu dunida ka qabto sida ay siyaasiyiin badani aaminsanyihiin.
Isku soo wada duuboo, xukuumadda Siilaanyo way ku fashilantay inay dhacdadan qaran ee muhiimka ah dawgeeda mariso, waxanad mooddaa in dhaqankani waxbdan seejinayo Somali Land iyo himiladii citiraaf raadinta, mar haddii madaxwaynihii sida sharfta leh xilka u wareejiyayba habkan silica leh loola dhaqmay. Dad badanina waxa ay soo jeedinayaan in xukuumadda Siilaanyo ay arrintan xaal-marin ka bixiso, Rayaalena la soo hubiyo inuu kufitaankii dhaawac ka soo gaadhay iyo in kale, halka ay qaar kalena Rayaale kula talinayaan inuu mashruucan socon waayay ee Awdalstate boodhka ka jafo oo uu beelaha Samaroon horkaco kana dhaadhiciyo qiimiha gooni isku taagga iyo isku duubnaanta mar haddii ay sidani wax u dhaceen.
Diiradda Lughayanews
lughayaweb@gmail.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Diiradda Lughaya News: Rayaale Maxaa Loo Rasaaseeyay? "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback