chinese.jpgsaylici.jpgHargaysa (lug)- Madaxwayne ku Xigeenka Somaliland Al-Xaaji C/Raxman C/laahi ismaaciil (Saylici) ayaa si diirran ugu soo dhaweeyey Diinta

 Islaamka nin la yidhaahdo Jewi cheki oo u dhashay dalka China oo islaamay.

Md. Saylici wuxu uu sheegay inay Diinta Islaamku  tahay diinta keliya ee Xaqa ah ee Illaahay Quraankiisa ku sheegay.
Ninkan Shiine ah oo Ganacsade ah ayaa Shalay Salaadii Duhur Ashahaadada loogu Qabtay Masaajid ku Yaala Madaxtooyada Somaliland Gudaheeda halkaasi oo Masuuliyiintii Salaada ku Tukanaysay Masaajidku ugu Duceeyeen ninkaasi ku soo Biiray Diinta Suuban ee Islaamka.

chinese.jpgsaylici1.jpg
 Masuuliyiintii halkaasi ku sugnaa ayaa dhamaantood soo dhaweeyay Ninkan Chines-ka ah ee ku soo Biiray Diinta Islaamka, iyada oo isla markiiba la Raaciyay Qof bara Waysada iyo Salaada.
 Waa Markii ugu horaysay ee Maajidka Madaxtooyada uu ku Muslimo Ruux Markii hore Gaal ahaa .

Xigasho: Bakipress