Boorama-(Lug)-Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta ayaa sideedaba waxay u xilsaaran tahay inay kala hagto diinta iyo siyaasadda dalka kasta iyo dawlad kastaa ku socdaan .
Dastuurka Somaliland oo asal ahaan ku salaysan diinta islaamka ayaan sideedaba cidi ku muransanayn in dalkani yahay 100% muslim sunni ah. Sidaasoo kale ayaa wasaaradda awqaafta xil uga saaran yahay inay qabato cid kastoo fasiraado khaldan ka bixisa diinta, isla markaana ugusoo gabbata arrimo siyaasadeed iyo kicin dadweyne .
Waxa Boorama bilihii u dambeeyeybna circa isku shareeray wacdiga diini ah ee xambaarsan fasiraado kala duwan, muxaadarooyin had iyo jeer logu yeedho dumarka iyo carruurta, balse aanay badi wasaaradaasi la socon ajendayaasha muxaadarooyinkaasi oo marmarka qaarkood lagu qabto masaajidyada, xaafadaha iyo meelo kaleba, lagana yaabo in nuxurka muxaadarooyinkaasi huwan yihiin wax aan dan u ahayn dalkan iyo dadkan .
Waxa iyaguna kuwaa barbar socda wacdi diini oo aan xad lahayn oo ay inta badan Boorama ka wadaan guddiga wanaagfarista iyo xumaanreebista, kuwaasoo habeen iyo maalinba codbaahiyayaal kula wareega suuqyada iyo farasmagaalahaba, Inkastoo ay xubnaha guddigaasi wakiilka uga ah gobolka Awdal ka hadlaan badi shay iska caadi ah oo dadka ku hanuuninaya wanaagga, hase yeeshee waxaya inta badan ku talaxtegaan arrimaha Xasaasiga ee khuseeya dalal badan oo aynaan aqoonba u lahayn .
Waxa kale oo iyaguna isasoo taray khudbadaha masaajidyada ay jimcayaashiai ka akhriyaan qaar ka mid ah culimada diinta ee Boorama, khudbadahaasoo qaarkood lagu durayo xukuumadda haatan iyo siyaasaddeeda.
Khudbadahan laga jeedinayo masaajidyada Boorama marmarka qaarkoodna lagusoo qaadayo arrimaha siyaasadda dalka iyo hoggaankiisa ayaa ah mid ka baxsan xayndaabka massaajidyada loogu talogalay, kaasoo ah in masaajidka lagu cibaadaysto , wax dadka iyo dawladediisa kala kaxaynayana aana lagu soo qaadin .
Wasaaradda diinta iyo awqaafta oo aan iyadu Boorama ku lahayn xafiisyo iyo culimaa’udiin ka jawaabi kara dacaayadaha diinta loogu soo gabbanayo ayaan haba yaraatee ka muuqan gobolka Awdal, sidaa darteedna aan la yaabaa marka masuuliyiinteeda sarsare kasoo baxaan shaashadaha ama warabaahinta kale , waxana isweydiiyaa ilaa intee ayey wasaaraddaasi xukuumadda ka difaaci kartaa ololaha dhinaca diinta loo adeegsanayo ee lagu durayo .
Guud ahaan marka la eegana jawiga ay ku socdaan ololaha dhinaca diinta ee Boorama ka socda, hadday tahay wacdi iyo hadday tahay muxaadarooyinba iyo hadday khudbado jimce tahayba, waxaad ogaanaysaa in jiraan arrimo dheeraad ah oo dadkan lagu jihaynayo, waxana loo baahnaa in xukuumaddu ka hawlgasho waa hore sidii ay ula socon lahayd waxyaalaha ka iman kara ololahan diineed ee hadh iyo habeen ka socda magaalada, kaaso marmarka qaarkood dhaafsiisan in dadka lagu wacyigeliyo shanta salaadood iyo shanta rukni ee islaamka .
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.Ibraahim-(Hyena)
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Boorama:Maqnaanshaha Kaalintii Wasaara- dda Awqaafta Iyo Muxaadarooyinka & Wacdiga Wanaagfarista "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback