eelo.jpgArdayda fasalka afraad ee kulliyadda Culuumta maamulka iyo Maaraynta ee Jaamacadda Eelo American ayaa u fadhiistay imtaxaanka dhammaystirka (Comprehensive exam)
 ee ay ku qalin jabin doonaan sannadkan gudihiisa. Ardaydan oo ka kooban 58 arday oo iskugu jira 19 gabdhood iyo 39 wiil ayaa waxay dhammaysteen duruustoodii Kulliyada iyadoo imtaxaankan lagu qiimayn doono ardayga mutaysta in la gudoonsiiyo shahaadada iyo ardayda dib ugu noqon doonta imtaxaankan.

eelo.jpg

Waxaa ardayda la dardaarmay Hormuudka Kulliyadan Prof.Maxammed Olhaye Waabari oo sheegay ujeedada imtaxaanku inuunan ahayn mid ardayda lagu ciqaabayo balse uu yahay mid tayadooda kor u qaadi doona waxa uuna arday kula dardaarmay in ay cilmiga ay barteen ay ku anfacaan dalkooda iyadoo uu dalku ku jiro marxalad u baahan qof walba oo wax wanaagsan ku soo biiriya.

eelo1.jpg

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Diiwaan haya guud ee jaamacadda isla markaana ah Madaxa Xafiiska imtaanaadka Prof. Hillary Gitua Mathuma oo isaguna u hanbalyeeyay ardayda islamarkaana  tilmaamay  in uu imtaxaankani  yahay kii 90-aad ee ay ardaydu u fadhiistaan muddadii ay daruusta ka qaadanayeen Jaamacadda.

eelo2.jpg
eelo3.jpg
eelo6.jpg
eelo7.jpg

Maxamuud Sh.Ibraahim
maxamuud123@hotmail.com