siilaanyo.jpgMadaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) Isaga oo ku hadlaaya Magaciisa iyo Ka Qaranka Somalilandba waxa uu Hambalyo iyo Boogaadin u dirayaa Dhamaanba Shacbiga Reer Somaliland Meel kasta oo ay joogaanba, Dalka Gudihiisa iyo Debadiisaba, Xuska, Munaasibada Sannad Guurada 51-aad ee ka soo Wareegtay 26-June-1960 oo ah Maalintiii ay Somaliland Madaxbanaanideeda ka qaadatay Mastucmaradii Boqortooyada Ingiriiska Uk.

 Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud  waxa uu Shacbigiisa reer Somaliland u rajaynayaa inay Sannadkan sannadkiisa ku gaadhaan nabad,guul iyo Barwaaqo, waxaanu ugu baaqayaa in ay dhan uga soo wada jeedaan adkaynta nabad-gelyada iyo qaranimada Somaliland isaga oo ku ammaanaya sida ay markasta heeganka ugu yihiin  ilaalinta  iyo difaaca Qarannimada Somalialnd.

 

 ALLAA                         MAHAD                             LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir  ( Cukuse )
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.