lugha-port-logo.jpgLug -Mashruuca dhismaha dekedda Lughaya ayaa si habsi ah u socda, iyada oo ay illaa imika soo xareetay lacag fara badani, dadwaynaha reer Adal-na si nafhuridleh uga qayb qaateen
taabba gelintiisa lana filayo inuu mashruucaasi si buuxda u hirgeli doono sannadkan gudihiisa.

dhagax-dhig-dekada-lughaya-3.jpg

Ururka horumarinta deegaannada Adal (ARDAA) ayaa dhisamaha dekaddan dhagaxa dhigay 20kii bishii November ee sannadkii 2010kii. Xafladdii dhagax dhigga oo ka dhacday magaalada Lughaya  waxa ka soo qaybgalay wafdi ka socday ururka Ardaa, masuuliyiin ka tirsan gobolka Awdal, xildhibaanno ka mid ah golaha wakiillada Somali Land, aqoon yahan iyo madaxdhaqmeedyo.

dhagax-dhig-dekada-lughaya.jpg

Dhismaha dekeddan ayaa lagu wadaa inuu qayb libaax ka qaadan doono kor u qaadista dulahaanba dhaqaalaha Somali Land gaarahaanna gobollada galbeedka oo aan iyagu lahayn ilo dhaqaale oo horumarsan, waxa kale oo aad looga dareemay daafaha dunida sida ay dadwaynaha ka soo jeeda Awdal, Salal, Gabilay iyo Harawo ugu heellanyihiin gacan ka gaysashada mashruucan taariikhiga ah.

 

Ururka ARDAA meelo kala duwan ayuu shirar ku qabtay tan iyo maalintii uu soo baxay hindisaha dekeddu, dhammaan jaaliyaduhuna meel kasta oo ay joogaanba si aan kala hadh lahayn ayay ugu riyaaqaan uguna qayb qaataan qaadhaan bixinta, maxaayeelay waxa ay aaminsanyihiin in dekedda Lughaya tahay waa` cusub oo u baryay dalkooda iyo dadkoodaba, islamarkaana ay waajib tahay in ruux walba ka qayb qaato tallaabadan wax ku oolka ah.
Todobaadkii hore 19kii bishan June, mar uu wafdi ka socoday ururka Ardaa oo ka koobnaa guddoomiye Ibraahim Cabsiiye, Xaaji Maxamad Xuseen Fariid iyo Sheekh Maxamad Xuseen Hadi, booqaday dalka Britain ayaa magaalooyinka London iyo Birmingham si aan caadi ahayn loogu soo dhaweeyay.
lughaya-port-london.JPG
Ugu horrayn waxa ay la kulmeen jaaliyadda deggan magaalada London oo si laga yaabay isugu soo baxday ugana qayb qaatay mashruucii dekedda ee uu wafdigu u socday, waxana la moodayay inay dadwaynuhu sugiba kari la`aayeen wafdiga iyo mashruucan wadaniga ah ee ay u socdeen.
lughaya-por3t-london-4.JPG

 

Xafladdii London waxa ka hadlay xubnaha wafdiga ARDAA oo si faahfaahsan u sharraxay qiimaha iyo qaayaha mashruucan, sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay dadkana ka qiiraysiiyay Xildhibaan Cali Obsiiye Diidiriye (Cali Gabilay) oo dadwaynaha isku yimid uga warramay sida loo tartamayo dalkii Somali Land gudihiisa  looguna tartamayo horumar iyo waxqabad ee ay jaaliyad walba deegaannadeeda u dhisayso una horumarinayso.
Sidoo kale waxaa xafladdaasi ka hadashay xildhibaan Ikraan Xaaaj Daawuud oo iyana ka warrantay qiimaha maschruucan iyo sida ay waajib u tahay in la isaga kaashado hirgelintiisa.
lughaya-port-london-2.JPG
lughaya-por3t-london.JPG

 

Sidoo kale wafdigu kulan noocan oo kale ah ayuu ku qabtay Birmingham oo ah magaalada labaad ee dalka Britain,  wuxuuna kala kulmay jawi la mid ah midkii London.

 

Waxyaabaha lagaga yaabay jaaliyadda reer England waxa ka mid ah inay labo maalmood oo kaliya ku ururiyeen lacag kor u dhaaftay 230 kun oo dollar. Arrintaasina waxa ay ka marag kacday sida ay jaaliyadda reer Britain ugu xidhanyihiin dalkooda, diyaarna u yihiin markasta inay ka qayb qaataan hormarka gudaha.

 

Sidoo kale magaalada Ottawa ee dalka Canada ee fadhiga u ah ururka ARDAA ayaa waxa todobaad kasta lagu qabtaa kulan lagu lafagurayo habsamisocodka qaadhaan ururinta, iyo maaraynta Mashruucan dekedda Lughaya, waxana halkaasi la isku waydaarsadaa fikradaha iyo talooyinka iyo waliba sida ugu habboon ee ay qurbajoogtu isaga kaashan karaan taabbo-gelinta mashruucan wadaniga ah.

 

Dhinac kale dadwaynaha ku nool dalkii hooyo gudihiisa ayaa iyaguna u heellan inay mar uun helaan dekad ay iyagu leeyihiin oo kor u qaadda dhaqaalahooda iyo jiritaankooda bulsho ahaaneed, waxana la sheegayaa inay dhammaan dadwaynaha ku sugan guduhu diyaar u yihiin ka qaybqaadashada dhismaha dekeddaan.

 

Lughaya news