Waxaan xukuumada ka doonaynaa inay tallaabo ka qaado ciddi hawshaasi dhaqan, khilaaf siyaasadeed ka abuurta…..”..
Boorama-(Lug)-Xubno isugu jira Cuqaal, waxgarad iyo dhallinyaro kasoo jeeda mid ka mid ah beelaha degaanka Boorama ayaa mar kale ku celiyey inay taageersan yihiin isla markaana saldanadda beesha J/Yoonis u aqoonsan yihiin taliyihii hore ee ciidanka xabsiyada Somaliland Suldaan Cabdi Guray kaddib markii siday sheegeen uu xilkaasi ka dhaxlay aabihii Suldaan Gurey Nuur oo geeriyooday sannadkii hore .
Xubnahan oo ka kooban ardaayada beesha J/yoonis (Makaahiil/samarroon) ayaa shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen Boorama kaddib shir ay isugu yimaaddeen ardaayada beeshaasi ayaa qaarkood xukuumadda Somaliland kaga dalbaday inay tallaabo laga qaado waxay ku sheegeen fidno wadayaal qas iyo jahwareer ka dhex wada beeshaasi .
Ugu horreyn waxa halkaasi ka hadlay oday Maxamuud Ibraahim Dirir kuna hadlayey magaca beesha Suldaanka xilka la wareegay, isagoo odaygaasi ka dhawaajiyey in la gaadhay wakhtigii suldaanka Guud ee beesha J/Yoonis(Makaahiil/samarroon) beesha hogaamin lahaa, baylahdeedana wax ka qaban lahaa , isagoo dhinaca kalena Maxamuud Ibraahim daadifeeyey cid kastoo beeshaa ka tirsan oo wax kalela timaadda, sideed bilood ka horna saldanadda beesha J/yoonis loo caleemo saaray suldaan Cabdi suldaan Gurey, haatanna beeshu u diyaargaroobayso sidii loogu garab geli lahaa hoggaaminta beesha, annagoo dhinaca kalena xukuumadda cusub ka codsanayna inay wax ka qabato cid kastoo qalalaase siyaasadeed oo ka baxsan arrimaha dhaqanka dhex wadda beeshaasi”.
Caaqil Cabdi Cawaale Good, kuna hadlay ardaaga Maxamuud Yoonis ee isla beeshaasi ayaa isna yidhi ‘waxaan halkan u joognaa inan taagero buuxda mar kale siinno suldaan Cabdi Gurey, isla markaana beeshu ku caddaynayso siday ugu taageeri lahaayeen xilka, annagoo kasoo horjeedna wax kasta ama cid kasta oo xilkaa sheegata”.
Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay Xaaji Xasan Mataan oo yidhi ‘”waxaad la socotaan in saldanadda beesha uu soo hayey suldaan Gurey Nuur allaha u naxariistee, haatanna uu xilkaa ka dhaxlay Cabdi Gurey oo aad wada taqaannaan, cid kastoo beesha ka tirsanina ku ogtahay mase garanaynno waxyaalahan kale ee la sheegsheegayo kana baxsan dhaqanka”
Maayarkii hore ee Boorama Ibraahim Magan Nuur oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “suldaan Gurey waxa magacaabistiisa u dhammaa samarroon oo idil meel kastoo ay joogaan, wax iska daa reer Awdal reer Somaliland iyo reer Soomaaliyaba yaqaaneen, waxa uu ahaa aasaasayaashii Somaliland iyo dawladda maanta oo uu ka tirsanaa Golaha guurtida intii anu geeriyoon, dee suldaan lama doortee dhaqanbaa la raacaa, waxana sidii dhaqanka ahayd xilkaasi loo gartay ama lagu raacay wiilkiisa Cabdi gurey oo la yaqanno, ma garanaynno suldaanada kale ee jeebka lagu sito, beeshuna sidaa ayey isku raacsan tahay “.
Mahdi Muumin Maydal, kuna hadlayey magaca ardaaga Geele Yuusuf ayaa isna sheegay in isaga iyo beesha uu waxgaradkeed ka tirsanyahayba hore u taageereen Suldaanka Guud ee beesha J/yoonis , haatanna diyaar ula yihiin inay ku garab galaan hawshiisa .
Cawke C/laahi Magarre oo ku hadlay magaca beesha Reer Dudub oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Suldaan Gurey allaha u naxariistee waxa uu ka mid ahaa madaxdhaqamedyadii beesha J/yoonis ilaa wakhtigii Siyaad Barre, dawladdii siyaad Barre ayaa saldanadaasi la socotay iska dhaaf Somaliland eh , xamar ilaa Lawyacaddo ayuu beesha suldaankeeda ahaa, sidaa darteed waxan si cad u sheegeynaa in Suldaan Cabdi Gurey yahay kan qaban kara xilkaasi beesha, sideed bilood ka horna loo caleemo saaray , cid beesha ka tirsan oo sheegan kartaana ma jirto”.
Caaqil Maxamed Qalinle Muuse (Deyngoo) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa si cad u sheegay in jilibyada uu caaqilka u yahay ee beesha ka tirsani taageersantahay magacabista xilka suldaanimada Cabdi Gurey , sidaan anigu aabahay uga dhaxlayna uu xilkaasi beesha isagu qaado “.
Caaqil Bakaari Ibraahim Rijaal oo isna halkasi ka hadlay ayaa yidhi “waxaan ahay caaqilka ardaayada Gadaalodhal ee beesha J/yoonis , sida dhaqanku yahayna maaha in laga warwareego xaqiiqda ee waa in lagu socdaa Cabdi Gurey ayaan u aqoonsannahay sniga iyo ardaaga aan caaqilka u ahay inuu yahay suldaanka Guud ee Beesha J/yoonis, mana aha in dhaqan soo jireen ah murana la geliyo, cid kastoo sheegata suyldaanka guud ee beesha J/yoonisna maaha mid soconaysa”.
Axmed Yuusuf Faarax Abraar oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Anigoo ka jooga halkii Cheif Caaqil Cabdi Faarax abraar oo allaha u naxariistee wiiggii hore ku geeriyooday Boorama, waxaan halkan ka caddaynayaa inaan aniga iyo ardaaga aan metelayaayiba taageero siinaynno suldaanka Guud ee beesha J/yoonis ,Suldaan Cabdi Gurey cid kastoo sheegata xilkaasina aanaya taageeri doonin”
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.Ibraahim-(Hyena)
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Hoggaamiye Dhaqameedyo Kasoo Jeeda Boorama Oo Taageeray Suldaan Cabdi Guray "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback