siilaanyo.jpgMadaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) waxa uu Hambalyo iyo Boogaadin u dirayaa Madaxweyne ismaaciil Cumar Geelle iyo Shacbiga reer Jabuuti Munaasibada,
Xuska iyo Dabaal-degga 27-June oo ku beegan Maalintii uu shacbiga reer Jabuuti Madaxbanaanidiisa ka qaatay Mastacmaradii France-ka.

Madaxweynuhu Waxa uu Madaxweyne Geelle iyo Shabcigiisa Reer Jabuutiba u rajaynayaa inay Sannadkan, Sannadkiisa ku Gaadhaan Guul iyo Barwaaqo, Isla markaana waxa uu ku hambalyeynayaa horu-marka ay dawlada Jabuuti ka Samaysay Dhinacyada Dhaqaalaha, Nabad-gelyada iyo IWM.

Ugu danbayna Madaxweynuhu waxa uu Shacbiga Jabuuti iyo Dawladiisa kula dardaarmayaa inay halkaa ka wadaan Dedaalkooda oo ay dhan uga soo wada jeedaan horu-marka ay imikaba inta muuqata ku talaabsadeen.

Ciid Wanaagsan Ciid Wanaagsan Ciid Wanaagsan

ALLAA                         MAHAD                             LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir  ( Cukuse )
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.